Allbanaadir.com
NEWS

Muddo kororsi loo sameenayo Madaxweynaha iyo BFS oo la horgeynayo golaha Shacabka

Waxaa beri oo Sabti ah lagu wadaa in xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka la horgeeyo ,muddo kororsiga la qorsheeyay in loo sameeyay muddo xileedka madaxweynaha iyo baarlamaanka federaalka.

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa lagu wargaliyay in beri jiro kulan aan caadi aheyn oo xildhibaannada loogu qeybinayo mooshinka wax ka badalka mudo xileedka Madaxweynaha iyo golaha baarlamaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka ayaa la isla gartay in la sameeyo muddo kororsi muddo sannad ah, waxaana guddoonka labada Aqal laga dalbaday in xildhibaanada mooshinkaasi ka meel mariyaan.

Shirkii golaha Wadataiga Qaran ee dhawwaan Muqdisho kusoo dhammaaday ayaa la isku raacay in muddo xileedka madaxweynaha iyo baarlamaanka noqdaan muddo shan sanno ah, waxaa sidoo kale iyana muddo sannad ah loogu daray madaxda maamulada.

Madaxweynaha talada Soomaaliya hadda haya ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey uga soo horjeeday muddo kororsi uu damacsanaa madaxweyne hore Farmaajo, waxaana hadda Xasan Sheekh uu rabaa muddo kororosigii uu diidanaa in uuba xilli hore sameesto.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qaarajiyey howlgal ka dhacay degmada..

Caydiid Ali

RW Khayre & Wafdi uu horkacayo oo caawa gaaray Dhuusamareeb (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka oo loogu baaqay in uu is casilo 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---