14 sano kaddib qaadashadiisii diinta Islaamka, laacibka New Zealand u dhashay ee Sonny Bill Williams ayaa ka sheekeeyey caqabadihii ka horyimid markii uu qaatay Islaamka – gaar ahaan, aragtida dadku ka heysteen qof Muslim ah oo haddana shaabad ay ku dhegan tahay korkiisa.
Barnaamijka toos uga baxayay warfidiyeenka oo uu la daadihinayay Sheekh Mufti Menk, Sonny wuxuu sheegay in mar kamid ah noloshiisa xoog looga saaray Masjid sababta oo ah waxaa lagu arkay shaabad korkiisa ku dhegan.
“Waan xusuustaa maalinkaas: waxaa la iiga saaray Masjidka inaan shaabad leeyahay,” ayuu yiri.
Sonny ayaa Muslimiinta caalamka kula taliyay inay raacaan tubtii Suubanaha NNKH oo ay walaalaha dhawaangalka ku ah Islaamka ay kula dhaqmaan debecsanaan iyo dhimrin oo aan dadka lagu hor ceebeysan bulshada dhexdeeda.
In kasta oo shaabaddu ay xaaraan tahay, haddana qofka soo muslima isaga oo ay korkiisa ku dhegan tahay – oo aan awoodi karin inuu iska dhaqo, dambi kuma ahan inuu la noolaado .
Sonny Williams waa 37 jir, wuxuuna Islaamka qaatay 14 sannadood kahor, waxa uuna hadda kamid yahay dadka diinta sii faafiya, isaga oo ugu yeera dadka aan islaamka aheyn in ay kusoo biirtaan diinta Islaamka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com