Ciidamada Maraykanka ee jooga Somalia ayaa shaaciyay in duqeyn ay xalay ka gaysteen koonfurta Somalia ku dileen afar dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.
War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrikaayaa lagu sheegay in duqeynta oo dhacday fiidnimadii Arbacada lagu beegsaday gaari qaraxyo laga soo buuxiyey oo u socday magaalada Muqdisho, xilli uu marayey meel 25km galbeed kaga beegan caasimada.
Duqeyntan ayuu Talisku sheegay in lagu dilay afar ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab oo gaarigaasi la socday sidoo kalena la burburiyay gaarigii qaraxyadu ay saarnaayeen, waxaana lagu xusay war-saxaafadeedka in aan wax rayid ah khasaare ka soo gaarin duqeynta.
Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaa arbacadii sheegay in 13 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen duqeyn ay Axaddi ay ka geysteen goob aysan magaceeda sheegin oo ka tirsan Koonfurta Somalia.
Ciidamada Maraykanka oo saldhigyo qarsoodi ah ku leh Koonfurta Somalia ayaa xoojiyey duqeymaha ay la beegsanayaan Xoogaga Al-shabaab tan iyo markii Donald Trump uu noqday Madaxweynaha Maraykanka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com