Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka Kumandoska Danab oo gubay gaari uu lahaa C/raxman Gaagaale (Sawirro)

Ururka 5aad Guutada 16aad Kumandooska XDS Ee Danab Ayaa Howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay degaano

Degaanka Qudus, Yaaq-dabayl, Sariiraha,  Aboodinka, Barja llah iyo kuwo kale oo ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose.

“Degaanadan ayey Aragagixisadu ku dhibaateyn jirtay dadka shacabka ah ee halkaas ku dhaqan waxayna ku lahaayeen fariisimo, baro-kontarool iyo waliba goobo ay gabaad ka dhigtaan, balse ciidanka Kumaandooska Danab oo ka war haley dhibaatadaas ayaa si deg dega uga jawaabay waxayna gabi ahaanba burburiyeen farisimihii halkaas ugu yaalay khawaarijta” ayaa lagu yir qoraal ay ka soo baxay taliska ciidanka Danab.

Hawgalku intii uu socday ciidanka Kumandoska Danab waxay sheegeen inay gubeen gaari u lahaa nin la yiraahdo C/raxman Gaagaale  oo ah ku-xigeenka ciidanka Jabhadaha ee Al-Shabaab ugu qaabilsan gobolka Jubada hoose, kaasoo ay sidoo kale sheegeen inuu isaguna faro cidiyo uga baxsaday.

Taliyaha Ururka 5aad Guutada 16aad ee Danab Carab Dheeg Axmed ayaa xusay in Hawlgalkan uu qayb ka yahay hawlgalada guud ee lagu baacsanayo kooxda al-shabaab ayna sii socon doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa laga filan karaa Kulanka Golaha Shacabka uu Farmaajo hortagayo Goordhaw ?

Cabdi Cade

Midowga Musharaxiinta oo dalbaday fulinta labo qodob oo la xiriira doorashada (Akhriso)

Caydiid Ali

Gabadhii ugu horreysay oo Muslim ah oo loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Cirka Kenya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---