Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mareykanka oo cuno-qabateyn cusub ku soo rogay shirkaddo iyo shaqsiyaad kale

Mareykanka ayaa shaaciyey cunaqabateyn ka dhan ah afar shirkadood oo Sudan laga leeyahay iyo dhowr qofood oo lagu eedeeyay inay hurinayaan dagaalka u dhexeeya ciidamada milateriga ka socda dalkaas.

Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa sheegtay in cunaqabateyntan cusub ay joojin doonto dhaqaalaha muhiimka ah ee la siiyo labada dhinac ee dagaalamaya.

Shirkadaha liiska ku jira waxaa ka mid ah mid leh macdanta dahabka, waxaana gacanta ku haya madaxa ciidamada taageerada degdega ah General Dagalo ama Hemedti.

Shirkad soo saarta hubka oo balaayiin doollar ah oo sahayda ciidanka ah ayaa sidoo kale ka mid ah kuwa la xanibay hase ahaatee dad badan oo indha indheeya ayaa shaki ka qaba in cunaqabataynta Maraykanku ay wax isbeddel ah samayn doonto.

talaabadan ayaa ku soo aadeysa iyadoo uu burburay wadahadal u dhaxeeyay wakiilo ka kala socday ciidamada iyo kuwa taageerada degdega ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qoys Afar Maalmood ku noqday Bilyaneer balse mar kale xaalkoodu is bedelay !!

Cabdi Cade

Isbedel maanta laga dareemayo jawiga Magaalada Muqdisho (Maxaa soo kordhay)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo caawa Ubax dhigay Taalada SYL (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---