Allbanaadir.com
NEWSXULKA

Jabuuti iyo Eritrea oo Heshiis Horu dhac ah ka gaaray Colaadii u dhaxeysay

Dowladaha Jabuuti iyo Eretrea ayaa  gaaray heshiis horudhac ah oo u Gogol-xaaraya in lasoo Af-jaro colaaddii muddo ka taagnayd xadka ay wadaagaan Labada Dal.

Colaadda Labada dhinac oo salka ku haysa duullaankii ay Eretrea ku qabsatay Buuralayda Dumeera, taasoo keentay in ay xukuumadda Casmara kula wareegto cudud Ciidan, kuna Af-duubato Askar Reer Jabuuti ah.

Wasiirka arrimaha dibedda Dalka Itoobiya oo ka mid ahaa Wafdigii Shalay gaaray Jabuuti ayaa boggiisa Facebook-ga ku sheegay inay aad ula dhacsan yihiin sida ay wax ku socdaan iyo isu soo dhawaashaha Labada Dowladood.

“Ka dib markii muddo dheer ay kala maqnaayeen, Eritrea iyo Djibouti waxay ku heshiiyeen in ay dib u soo celiyaan xiriirkooda,waana tallaabbo fiican” , ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda ee Itoobiya ,Workneh Gebeyehu.

Wada hadallada dhinacyadaasi ka dib ayay Wasiirrada arrimaha dibedda Soomaaliya, Itoobiya, Eretrea iyo Jabuuti oo wada jira waxay kulan gaar ah la qaateen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuuna si weyn usoo dhoweeyay dadaallada dib u heshiisiineed ee ay wadaan Madaxda Gobolku.

Wasiirka Warfaafinta Dalka Eritrea, Yemane Gebremeskal ayaa boggiisa Twitter-ka ku sheegay in Ismaaciil Cumar Geelle uu u muujiyay inay diyaar u yihiin in la gaaro dib u heshiisiin iyo in la wanaajiyo xiriirkii Jabuuti iyo Eretrea.

Wasiirka arrimaha dibedda Eretrea Cusmaan Saalax, ayaa sheegay inay Dowladdiisu ka go’an tahay in ay heshiis waara la gaarto Jabuuto, lana dhameeyo wixii mad-madoow ah ee u dhexeeyay.

Wasiirka arrimaha dibedda Dalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf , ayaa isna sheegay inay ka run sheegayaan in ay muujinta heshiis dhab ah oo ay gaaraan Dalkiisa iyo Eretrea, iyo xal ka gaarista xaalad kasta oo Gobolka ka taagan.

Kulankii ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Eretrea ayaa laga soo saaray war-murtiyeed aan faah-faahsanayn taxaddarna laga muujiyay, kaas oo lagu sheegay in ay tallaabadani tahay mid weyn oo loo qaaday dhanka adkaynta nabadda iyo deggenaanshaha Gobolka, iyadoo lagu taageerayo is-dhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh & Jonas Gahr Støre oo wada guddoomiyey madasha Oslo Forum (Sawirro)

Caydiid Ali

Askarigii dilay Xildhibaan Juweeriya Subcis oo ka hadlay Sababtii uu dilkaasi u geestay

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Sida Quruxda badan ee loogu Damaashaay Xaafada Daaru Salaam ee Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---