Allbanaadir.com
NEWS

Jeneraal Biixi oo tagay Deegaan Xeebeed la sheegay in Al Shabaab hubka kala soo degi jireen

Taliyaha ciidanka lugta ee xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi iyo saraakiil kale oo la socota ayaa kormeer ku tagay deegaan xeebeedka Mareeg oo hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud .

Jeneraal Biixi iyo xubnaha la socday ayaa u kuur galay xaalada deegaanka Mareeg ay joogaan ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya iyo dadka deegaanka, waxa uuna taliyaha kormeeray xeebta deegaankaasi .

Saraakiisha ciidanka ayaa taliyaha u sheegay in deegaanka Mareeg xeebtiisa kooxda Al Shabaab u aheyd muhiim, waxa ayna xuseen in kooxdaasi xeebta kala soo degi jireen hubka iyo waxyaabaha qarxa ay isticmaalaan.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaana hadda si buuxda gacanta ugu haya deegaan xeebeedka Mareeg, waxaana xeebta mararka qaar dalxiis iyo dabaal u taga dadka shacabka ah ee ku dhaqan Ceeldheer iyo deegaanno kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin lagu tilmaami jiray in uu Waalan yahay oo hada isku bedelay Halyey !!

Cabdi Cade

Xog ku saabsan shaqsiga loo badinayo in loo magacaabo Raisul Wasaaraha Somalia

Caydiid Ali

Weerar Bambaano oo caawa lagu qaaday Guriga Gudoomiyaha degmada Dayniile

Cabdi Cade
Taboola Ads ---