Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo Weerar ku qaaday Xero ay leeyihiin ATMIS iyo Jawaab celin ka dhalatay

Dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar madaafiic loo adeegsaday ku qaaday xero ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS ka degan yihiin degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in xalay fiidkii iyo saqdii dhaxe Al Shabaab madaafiic ku garaaceen xerada ciidamada ATMIS, waxaana madaafiicda kooxdaasi tureysay laga maqlayay xaafadaha Qoryooley.

Dhinaca kale ciidamada ATMIS ayaa dhankooda madaafiic iyo hub kale ugu jawaabay kooxdii weerarka kusoo qaaday, waxa ayna ciidamada ATMIS madaafiicda ku garaaceen jihada ay Al Shabaab kasoo tuureen hoobiyaasha.

Lama oga ilaa hadda khasaaraha ka dhashay madaafiicda ay xalay degmada Qoryooley isku weedaarsadeen kooxda Al Shabaab iyo ciidamada ATMIS ee nabad ilaalinta u jooga qeybo kamid ah Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa Jimcihii weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday xero ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa ka socda Uganda ku lahaayeen Buulamareer, waxaana weerarkaasi ka dhashay khasaaro badan oo dhimasho .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo xabsi dhigtay nin dhaliili jira Ismaaciil Geelle iyo Digniin maamulka loo diray

Cabdi Cade

Dowladaha Itoobiya & Imaaraadka oo kala saxiixday heshiis iskaashi Milateri (Sawirro)

Caydiid Ali

Xulista Xildhibaanada Jubaland oo si qarsoodi ah ugu socoto Kismaayo iyo Muranka Badda Soomaaliya Maxaa laga sheegay !!

admin
Taboola Ads ---