Dowladda Ruushka ayaa xoojineysa xiriirka kala dhaxeeya qaar kamid ah waddamada Afrika, waxa ayna dowladda Ruushka dalalka Afrika qaarkood u sameesay ballan-qaadyo ku aadan in ay ka taageerayaal helida tamarta nukliyeerka.
Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Ruushka Sergei Lavrov oo safar ku tagay dalka Brundi ayaa sheegay in meel wannaagsan marayo heshiiska ay labada dal ka gaareen tamarta nukliyeerka.
Wasiirka ayaa u ballan-qaaday dowladda Brundi in ay ka caawin doonaan sidii ay u heli lahaayeen tamarta nukliyeerka, waxa uuna xusay in laga shaqeyn doono hir-gelinta heshiiska labada dal horey u gaareen.
Labada dal ayaa bishii November ee sanadkii hore kala saxiixday heshiis wado xaar u ah tamarta nukliyeerka laga dhaliyo , kaas oo Ruushka uu ogolaaday in uu Burundi ka caawiyo sameynta warshado atomic ah.
Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka booqashadan uu ku tagay Brundi ayaa qayb ka ah socdaalka Mr Lavrov uu ku marayo dalalka Afrika, ka dib safarkii uu dhawwaan ku tagay Kenya iyo ka hor inta uusan gaarin Koonfur Afrika.
Dalka Brundi oo kamid ah waddamada ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa xiriir dhaw la leh Ruushka, waxa madaxda dalkan horey u sheegeen in dagaalka Ruushka kula jiro Ukraine in aysan dhax dhaxaad ka noqon karin.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com