Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha dib loo doortay Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweyne Erdogan guushii taariikhiga ah ee uu ka gaaray doorashadii ka qabsoomtay dalka Turkiga maalintii Axada ee lasoo dhaafay.
Labada Madaxweyne ayaa wadahadalkooda hoosta uga xariiqay ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiyadii hore uga dhaxeeyay labada dal.
Dowladda Turkiga ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya, waxa ayna Turkiga magaalada Muqdisho ku leeyihiin saldhig milatari oo aad u weyn, kaa oo tababaro lagu siiyo ciidamo Soomaaliyeed.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com