Allbanaadir.com
NEWS

R/W Xamse oo furay Shirka Hirgelinta Hannaanka Federaalaynta Caddaaladda iyo Asluubta (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Hirgelinta Hannaanka Federaalaynta Caddaaladda iyo Asluubta.oo dhiirri gelinaya sarreynta sharciga iyo in dadka Soomaaliyeed ay helaan garsoor Caddaalad ah, loo dhanyahay, lagu kalsoon yahay oo hufan.

Hannaanka caddaaladda iyo Garsoorka oo looga heshiiyey Shirkii 4aad ee Golaha Wadatashiga Qaran yeesheen, ayaa si loo dhaqangeliyo heshiiska, looguna biiriyo dhameystirka Dastuurka KMG ah, wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu ku tilmaamay heshiiskan mid guul u ah qaranka, dhabahana u xaaraya jiheynta mustaqbalka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay, si loo helo hannaan caddaalad iyo garsoor madax-bannaan oo dalku yeesho la qaaday tallaabooyin dhowr ah, oo ay kamid yihiin dib-u-habeynta Maxkamadaha, howlgelinta garsoore-yaal khibrad leh, isla markaana meesha laga saaray lacagihii sharci darrada ahaa ee lagu qaadi jiray waaxda Danbi Baarista ee CID.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Dastuurka KMG ah, ayaa tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay in la qabyotiro dastuurka, Xukuumadda DanQaran-na ay ka go’an tahay dhameystirkiisa, isla markaaana tallaabooyin loo qaaday qodobada u baahnaa heshiis siyaasadeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Habraaca iyo shuruudaha doorashada Guddoonka gollaha shacabka oo lasoo saaray (akhriso)

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo shaaciyay halka dagaalka u jihaysan doono kadib Galmudug

Caydiid Ali