Ciidanka sida gaarka ah ee u tababaran ee Kumandoska Somalia (Danab) ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen nawaaxiga degmadda Wanlaweyn ee gobolka sh/hoose waxay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan Kooxda Al-shabaab iyo dagaalyahano ka mid ahaa ilaaladiisa.,
Taliyeyaal ka tirsan ciidanka dowlada ayaa sheegay in ragga howlgalkaas lagu dilay uu ka mid ahaa sarkaal lagu magacaabi jiray Macalin Jeelle oo ahaa Madaxa Maaliyadda Alshabaab.
“Waxaa Ciidanku qorshahooda ahaa inay gacanta ku soo dhigaan Horjooge Jeelle, balse waxuu isku dayey inuu is difaaco, sidaas ayeyna Ciidamada ku toogteen horjoogahaasi” ayuu yiri mid ka mid ah ah Saraakiisha ciidamada Danab ee howlgalkaasi gaarka ah fuliyey.
Saraakiisha ciidamada Danab ayaa beeniyey warar saaka ka baxay warbaahinta gudaha oo sheegay in Macalin Jeelle uu ahaa Nabadoon, waxayna xuseen in ninkan ay muddo dheer ku raad joogeen uuna ka mid ahaa masuuliyiinta Al-Shabaab.
Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow, ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga ay ku guuleysteen howlgalka ay ka fuliyeen degmadda Wanla weyn ee Gobolka Sh/hoose, isagoo Xusay in Dowladda Soomaaliya ay dhab ka tahay dagaalka Nabad diidka dalka looga xoreynayo sida uu hadalka u dhigay.
Al-shabaab ayaan ka hadlin warka ka soo yeeray saraakiisha ciidamada dowlada ee sheegaya in la dilay madaxii Maaliyada u qaabilsanaa kooxdaas.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com