Allbanaadir.com
NEWS

Yaa maamulaya magaalada Buulamareer kaddib Weerarkii Al Shabaab ku qaadeen ?

Magaalada Buulomareer ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaa subaxnimadii Jimcaha weerar culus ku qaaday kooxda Al Shabaab, kuwaa oo weerarkooda si gaar ah ugu beegsaday saldhiggii ATMIS ku lahaayeen Buulomareer.

Al Shabaab ayaa la wareegtay saldhigii ciidamada ATMIS ku lahaayeen Buulamareer, waxa ay sidoo kale la wareegeen magaalada oo iyana isaga baxeen ciidankii dowladda iyo maamulkii halkaasi joogay.

Sida aan wararka ku helnay Al Shabaab ayaa la sheegay in muddo labo maalin ah joogeen magaalada Buulamareer iyo duleedkeeda, waxaana magaalada isaga cararay dad badan oo ka baqday in korkooda lagu dagaalamo.

Magaalada Buulomareer ayaa hadda wararku sheegayaan in aysan jirin cid gacanta si rasmi ah ugu heysa, waxaana magaalada kawada baxay ciidamada dowladda oo garab ka helayay kuwa ATMIS iyo kuwa Al Shabaab ee la wareegay.

Al Shabaab ayaa weerarkii ay ku qaadeen xerada ciidamada ATMIS ku lahaayeen Buulamareer sheegay in ay ku dileen in ka badan 130-askari, waxa ayna Al Shabaab sidoo kale la wareegeen hub kala duwan iyagoo sidoo kale gubay dabaabaadka dagaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xuutiyiinta Yemen oo Diyaarad Dronis ah ku weeraray Isreal iyo kala carar dhacay

Cabdi Cade

DANJIRE YOONIS “Markii la doortay Madaxweyne Xassan Sheekh Yurub waxay muujisay..

admin

Siyaasi caan ah oo ka shifay Qorshe hoose ay wadaan Gudoonka golaha Shacabka !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---