Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Jubbaland oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Tim Trenkle

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Ahmed Mohamed Islaam ayaa maanta kulan la qaatay Safiir kuxigeenka Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya ahna ku simaha Safiirka Tim Trenkle.

Axmed Madoove iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan arimaha amniga, Siyaasada iyo go’aanka madasha wadatashiga ee awooda dib loogu celinayo shacabka Soomaaliyeed dalkuna uu ku aadayo doorashooyin dadweyne.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale ka codsaday dowladda Mareykanka in ay taageero siiyaan maamulkiisa, gaar ahaan ka taageeraan dhinaca dagaalka ay kula jiraan kooxda Al Shabaab.

Madaxweynaha Jubbaland oo Muqdisho uga qeyb galay shirkii golaha Wadatashiga Qaran ayaa kulamo la qaadanaya qaar kamid ah wakiillada beesha Caalamka , waxa uuna taageero dheeraad ah u raadinayaa maamulkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh oo War ka soo saaray geerida Madaxweynihii hore ee Galmudug

Caydiid Ali

Mareykanka oo soo riday shay aan la garaneyn oo meel sare ku duulayey (Sawirro

Caydiid Ali

Raila Odinga oo dalbadey Arrin aysan Aqbali doonin Xildhibaanada taageersan Ruto

Cabdi Cade
Taboola Ads ---