Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha ATMIS oo booqday askar lagu soo dhaawacay Weerarkii Buulamareer (Sawirro)

Taliyaha ciidamada ATMIS Sarreeye Guud Sam Okiding ayaa isbitaal ku booqday askartii ku dhaawacantay weerarkii Jimcihii lagu qaaday saldhigga ciidamada ATMIS, gaar ahana kuwa ka socda dalka Uganda ku lahaayeen deegaanka Buulomareer ee gobolka Sh/ Hoose.

Sarreeye Guud Okiding ayaa askarta dhaawacan ku bogaadiyay sida geesinimada leh  ay ula dagaalameen kooxdii Al-Shabaab ee weerarka kusoo qaaday, wuxuuna u rajeeyay caafimaad deg deg ah.

Askartan kusoo dhaawacantay weerarkii Buulamareer ayaa taliska ATMIS sheegeen in ay xaaladooda caafimaad ay ka soo raynayso, waxaana askartan loo soo qaaday oo lagu daweenayaa cisbitaalka heerka labaad ee ATMIS ee magaalada Muqdisho.

Sarreeye Guud Okiding ayaa sidoo kale tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada iyo asxaabta askartii ku naf-waayay weerarkii Al Shabaab, waxa uuna askartaasi ku sifeeyay geesiyaal dhintay iyaga oo shaqadooda ku jira.

Taliska ciidamada ATMIS ayaan ilaa hadda xaqiijin tirada rasmiga ah ee lagu dilay weerarkii Al Shabaab jimcihii ku qaadeen xerada ATMIS ee Buulamareer, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in weerarkaasi ku dileen in ka badan 137 askari, halka kuwa noolna qabteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jens Stoltensberg oo shaaciyay in Madaxweyne Erdogan Aqbalay in Sweden ku biirto NATO

Cabdi Cade

Gantaalo dhimasho iyo dhaawac sababay oo lagu weeraray Israel (Sawirro)

Caydiid Ali

Deni oo kulan wadajir ah la qaatay goleyaasha Maamulka Puntland (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---