Dimoqaraadiyada waxey ka dhigtaa maamulka xukunka rayidka ee dowladda mid u adeegeysa dadka rabitaankooda guud, taas oo ay saldhig u tahay in dowladdu ka shaqeyso wanaaaga maslaxada guud ee dadka, waxeyna sidoo kale ay dimoqaradiyada adkeyneysaa in madaxda xukumeysa dowladda ay ka timaado qeybaha kala duwan ee bulshooyinka uu ka kooban yahay dadweynaha wadaninyiinta ah, madaxdaas oo gudashada xilalkooda ugu adeegaya horumarinta waxqabadka ay u baahan yihiin bulshooyinkaas ka kala tirisan dadweynaha ku nool dalka gudahiisa iyo dibediisa, waxeyna dadweynuhu codadkooda ay ku kala taageerayaan madaxda ku kala tartameysa hogaaaminta hayaddaha dowladda, waxeyna dadweynuhu codbixintooda ku cabirayaan heerka ay gaarsiisan tahay tayada adeegyada ay dadku ka helayaan dowladda, waxeyna sidaas dadku ku go’aaminayaan cida mudan abaalmarinta ama ciqaabta ay kala kulmayaan codbixinta dadweynaha.
Siyaasiyiinta daneynaya iney qabtaan xilalka qabashadooda loogu tartamayo doorashada ay codkooda ku bixinayaan dadweynaha ayaa waxey u arkaan dadka iney yihiin macaamishooda ku taageeraya codbixintooda, waxeyna xoogga saarayaan sidii ay u kasban lahayeen awooda codbixintooda, waxeyna helitaanka taageerida dadweynaha ay ku xiran tahay sida ay hadba u soo jiitaan qalbiyada dadka ay ka doonayaan iney ka helaan awooda ay ku qabanayaan xilalka ay u tartamayaan, hasayeeshee waxaa doonistaas ku hor gudban xujooyin u baahan in marka hore laga soo gudbo, waxeyna taas ay tilmaameysaa in dadku ay rabaan iney marka hore arkaan fikradaha uu aaminsan yahay musharaxa iyo iney xaqiijiyaan in musharaxa uusan ahayn mid ah keligiis duule u taagan tartanka, taas oo ay ka turjumeyso marka hore in musharaxa uu hiilo ka raadsado dad fikradiisa ku garab taagan oo iyaga taageeradooda ay bilow u noqoto mid reebta muuqaal ku dayasho mudan oo saameeyn soo jiidasho leh u horseeda iney fikradahiisa iib geeyaan oo dadka ay ka gadaan.
Xujooyinkaas ay dadweynuhu hordhigeen musharixiinta uu damacoodu yahay iney kasbadaan codadka dadka waxey siyaasiyiintu uga gudbeen iney curiyaan xisbiyo siyaasadeed oo fikradaha ay ku shaqeynayaan ay yihiin kuwo dadweynaha ay si cad uga dheregsan yihiin hadafyadooda iyo jihooyinka ay u socdaan, waxeyna taas ay kaliftay in dadku ay isugu ururaan ka mid noqshada xisbiyadaas, iyagoo isku raacaya oo keliya fikradaha siyaasadeed oo ay wadaagaan meelmarintooda, waxeyna taas bulshooyinka ka dhex saartay dhaqamadii ku saleysnaa qof jecleysi, hiilo heyb, goboleysi, kooxeysi dariiqeed, siyaasad qoys, iyo mid jinsi, waxaana kuwaas bedelkooda yimid in shaqsiyaadka kala hogaaminaya xisbiyada siyaasadeed lagu kala xusho kartidooda, aqoontooda, wadaniyadooda, iyo daacadnimada ay u hayaan meelmarinta qorshooyinka siyaasadeed ee xisbiyadooda u dejiyeen iney fikradahooda ku hormariyaan adeegyada ay u sameynayaan dadka, dalka, iyo dowladda.
Ururada siyaasadeed oo noqday mariinka keliya ee siyaasadda lagu soo galo ayaa bulshooyinka ay ka dhex dhashaan waxey marayaan jaribaadyo adag oo jiritaanka fikradahooda uu waktigu ku keeno isbedelo ama ay ku rogmadaan ama isla rogaan wakhtiga, taas oo wakhtiga isbedelaya uu sidoo kale jiilasha cusub ku keeno dhalanrog iyo iney ku dhaliso isbedel ku yimaada dhaqankooda iyo sida ay u fekerayaan, waxeyna isbedeladaas ay si xoog leh u saameeynayaan fikradaha siyaasadeed ee dadka ay ku haminayaan iney ku meelmariyaan hadafyadooda horumarineed oo si quman ula jaanqaadi karta waxqabadka ay ugu jiraan xalinta dhibaatooyinka marba marka ka dambeysa kii sii badanaya oo halista gelinaysa jiritaanka nolosha dadka, dowladda, iyo dalka, waxey taas sababtay in laga guuro xisbiyada siyaasadeed ee faraha badan, kuwaas oo sabab u noqda iney bulshooyinka ku soo kordhiyaan dhibaatooyin hor leh oo ay ka mid yihiin kuwa dadka wadajirkooda kala dhantaala, dowladana ku abuura degenaansho la’aan, dalkana ka dhiga midaan lahayn siyaasad mideysan oo ay kula macaamilaan caalamka, kuwaas oo jiritaankooda dalka, dowladda, iyo dadka u nugleeya faragelinta maslaxad ku dhisan danaha shisheeyaha.
Degenaaasha la’aanta ka dhalata tira badnaanta ururada siyaasadeed waxey sabab u noqtay inuusan jiri karin hal xisbi oo awood u yeesha in fikirkiisa uu dalka ku hogaamiyo, taas oo kalifta in ururo kala mabda’ ah ay sameystaan isbaheysiyo ay isku kaashadaan ururada laangaabyada, taas oo u suurtogelisa iney ku guulestaan iney dhisaan dowlad ay hogaaminayaan, balse nasiibdaradu ay tahay in kala dan duwanaanshahooda siyaasadeed ay inta badan horseedo mid sabab u noqta burbur si deg dega ugu yimaada dowladda ay wadajirka ku wada dhisteen, markaas kadibna fikradaha iskhilaafsan oo ay kala aaminsan yihiin ay ka abuurmaan ismaandhaaf ay qolo walba ku dooneyso iney danta fikradaheeda wax ku fulsato oo aysan marna u tanaasulin danaha siyaasadeed ee xisbiyada kale, sidaasna ay ku burburto iskaashigooda siyaasadeed ee ku dhisnaa isbaheysiga laangaabnimo, waxeyna taas ay keentay iney bulshooyinku ka dhaxlaan dibudhac ka dhalatay isqabqabsi sabab u noqda jahwareer siyaasadeed oo caqabad ku noqda jihada siyaasadeed ee dalku uu ugu jirey horumarkiisa, waxeyna dadku ka barteen qalalaasahaas siyaasadeed ee joogtada ah iney ka guuraan ku dhaqanka xisbiyada badan oo ay taageeraan jiritaanka laba xisbi inuu dalku yeesho oo labadooda mid ka mida uu si buuxda u helo ogolaanshaha codka dadweynaha, tilaabadaas oo dalka u horseedaysa in sanooyin kooban dalka lagu hogaamiyo siyaasad ay horkaceyso hal xisbi oo uu hogaaminayo hal madaxweyne iyo kuxigeenkiisa.
Waxaan ku dhiirogelinayaa Madaxweynaha Soomaaliya mudane Hassan Sheikh Mohamud hogaamintiisa uu dalka Soomaaliya ugu horseedayo geediga loogu jiro in dalku yeesho laba xisbi qaran oo waaweyn oo dowladiisu ay ka shaqeyneyso maalgelinta iyo meelmarinta xisbiyadaas oo bilowgooda hore u baahan dhaqaale ay kaga maarmaan iney ku xirmaan wadamo shisheeye danahooda. Xisbiyo badan iney jiraan cidna ma diidana, balse waxaa laga shaqeynayaa sidii loo heli lahaa in la sameeyo laba xisbi oo waaweyn oo xisbiyada yaryar ay hadba sida ay rabaan ay u kala raaci karaan, iyagoo raacaya hadba sida ay isugu fikrado dhow yihiin, taas oo ka dhigeysa in marka ay abuurmaan xisbiyo waaweyn oo heer qarana aan wax fursada aan siin doonin jiritaanka xisbiyo yar yar oo keligood gooni u taagan, maxaa yeelay xataa haddii la ogol yahay jiritaanka xisbiyo farabadan waxaa markasta doorashooyinka ku soo baxaya labada xisbi oo ugu waaweyn oo ay dowladdu dhismahooda gacan ka geysatey, sidaas daradeedna waxaa haboon in xoogga la saaro dadaalka loogu jiro curinta laba xisbi qaran oo waaweyn.
Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com