Allbanaadir.com
NEWS

DP World oo dib u dhis iyo balaarin ku wada Dekadda Boosaaso iyo Deni oo kormeeray (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray Dekadda Boosaaso oo Dhismihii iyo Horumarintii lagu balaarinayay ay meel wanaagsan marayso, Madaxweynaha ayaa booqday qeybaha kala duwan ee dhismuhu ka socdo wuxuuna Warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Wasaaradda Dekadaha iyo Shirkadda dhismaha Dekadda gacanta ku haysa ee DP WORLD.

Dekadda ayaa lagu daraya 450m, oo Jenbiga koowaad yahay 150m dhererka, Halka balaca uu yahay 30m, shaqada jenbiga koowaad ayaa Hada la qabtay 70%. Waxaa shaqada laga qabanayo Dekadda ka mid ah in dayactir lagu sameeyo 215m oo ka mid ah Dekadii hore.

Sidoo kale waxaa Dekadda loo sameyn doonaa Qeybta Kunteenarada oo ah 4000 miter, qaboojiyaha Dekadda , Waddo gelid iyo Bixid ah iyo dhisme Dabaq ah oo guri saddex dabaq ah oo dhammaan hayadaha Dowladda ay kuwada shaqeyn doonaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa Markii uu Xafiiska yimi bilowgiiba dib-u-eegay heshiiskii isaga ka horeeyay Dekadda Boosaaso Shirkadda P&O Ports, si loo dhaqaajiyo dhismaha Dekadda iyo horumarinteedana waxaa lagula heshiiyay Shirkadda DP World, Iyadoo Madaxweynuhu dhaggax dhigay Wejiga koowaad ee balaarinta iyo Horumarinta Dekadda 24 January 2023.

Tallaabadan ayaa Hadda ah mid miro dhashay oo shaqadii Dekadda bilowmatay, ayna u socoto siwanaagsan oo ku suntan waxqabad muuqda, waana mid ay siweyn u boggaadiyeen Bulshada Gobolka Bari iyo Guud ahaan Puntland.

Related posts

(Akhriso) Xaaf oo dalbaday in la joojiyo howlaha Dhuusamareeb ka socda, kuna baaqay..

Caydiid Ali

Galmudug: “Ma jirto degaano ciidankeenu ka baxeen oo Al-Shabaab ay dib u qabsatay”

Caydiid Ali

Wasiirkii Maaliyada dowlada Qatar oo xabsiga la dhigay & eedeymo culus oo loo heysto

Caydiid Ali
Taboola Ads ---