Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidanka xoogga Dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ay saakay fashiliyeen isku day weerar oo ay Al Shabaab ku soo qaaday deegaanka Masagawaay ee Gobalka Galguduud .
War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada xoogga dalka ay si dhaw ula socdeen dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ayaa isku diyaariyay fashilintooda, waxa ayna ciidamada si xirfad iyo geesinimo leh uga hortageen weerarkii Al Shabaab.
Dowladda ayaa sheegtay Inta uu socday hawlgalka fashilintu ay ciidamada xoogga dalka toogteen in ka badan 30 ka tirsan Al Shabaab, kuwaa oo ay sheegtay dowladda in meydadkooda kooxda ka carartay.
Ciidanka dowladda ayaa sidoo kale la sheegay in weerarka Al Shabaab soo qaadeen ku qabsadeen saddex ka mid ah gaadiidkii ay ku soo duulaan tageen , sidoo kale ciidamada ayaa gubay mid kamid ah gaadiidkii Al Shabaab wateen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com