Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Baraawe (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa gaaray magalada Baraawe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magalada Baraawe ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Maamulka Gobolka, Ururka Haweenka iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan bulshada qeybaheeda kala gedisan.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa inta uu joogo magaalada Baraawe kula la yeelan doono madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Baraawe.

Related posts

Dil goordhaw loo geestay Sakariye Siciid Salaad iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Musharaxiin socod dhoolatus ah ku tagay taalada Dajirka Dahsoon (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo la kulmay madaxda Saddex maamul goboleed kana codsaday Hal arrin.

Cabdi Cade
Taboola Ads ---