Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo la kulmay Qaar kamid ah Garaadada Sool iyo Sanaag (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan Casho Sharaf ah la qaatay qaar ka mid ah Garaadada oo ka soo kicitamay magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Garaadada kala hadlay xaaladda magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, waxa uuna muujiyey sida aan loo aqbali karin in ay sii socoto xabadda iyo dhibaatada.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka dhageystay Garaadada Dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada, isagoo kula dardaarmay in ay doorkooda ka qaateen nabadda, walaalnimada iyo xasilloonida.

Garaadada Dhaqanka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxa ayna soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaas oo ka dhashay dagaalka.

Related posts

Itoobiya oo Shaacisay in ay buuxisay biyo-xireenkii ay ka dhisayeen webiga Nile

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo u safray dal aan xiriir wanaagsan xiligan la laheyn Dowlada Soomaaliya 

Cabdi Cade

Iran ballanqaad muhiim ah ka heshay Waddamo Carbeed xilli Israa’iil weerar ay…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---