Allbanaadir.com
NEWS

Sawirro: Sergey Lavrov oo la kulmay Ruto iyo Kenya oo loogu deeqay Kumanaan tan oo Kiimiko ah

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Raashiya, Sergey Lavrov ayaa maanta Booqasho Qarsoodi ah ku tegay Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, isagoo Kulan la yeeshay dhigiisa dalkaasi, Alfred Mutua.

Sergey Lavrov waxa kale oo uu la kulmay Madaxweynaha dalkaasi, William Ruto, wuxuuna Khudbad u jeediyey Xildhibaanada Kenya, isagoo u sheegay inay ka wada xaajoon doonaan Iskaashiga Ganacsiga, Maalgashiga, Dhaqaalaha, Samafalka, Dhaqanka, Tacliinta iyo Iakaashiga Dowladaha Kenya iyo Raashiya ee Arrimaha QM iyo dhinacyada kale.

Booqashada Sergey Lavrov ku tegay Kenya ayaa ah Socdaalkiisa ugu horeeyey ee uu dalkaasi ku tago tan iyo sanadkii 2010-kii.

Waxa uu sheegay inay Kenya soo gaarsiin doonaan maalmo gudaheeda Markab wada Shixnad Gargaar oo 30,000 oo Ton ee Kiimikada loo adeegsado Bacriminta Beeraha.

Waxa uu intaasi ku daray in Shixnadda Bacriminta Beeraha oo Lacag La’aan ah ay maalmaha soo socda la soo gaarsiin doono Dekedda Mombasa ee dalka Kenya.

Wararka qaar ayaa sheegayo inay Dowladda Raashiya ugu deeqayso Kenya 200,000 oo Tan ee Kiimikada Bacriminta Beeraha.

Dhanka kale, Dowladda Raashiya waxay sheegssn bishan May 25-dii oo ku beegnayd Maalinta Afrika (On Africa Day) inay Dowladda Kenya ugu deeqi doonaan Shixnad Saliidda lagu karsado Cuntada oo qiimaheeda dhan yahay Hal milyan oo Dollar, si loogu qeybiyo dadka ay Gaajada ku wajahayso gudaha dalka Kenya.

Dhanka kale, Booqashada uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Raashiya maanta ku tegay Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi waxay ku soo beegantay, hal isbuuc kadib, markii uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Ukraine, Dmytro Kuleba booqasho ku kala bixiyey dhowr Waddan oo ay ka mid yihiin Ethiopia, Morocco iyo Rwanda.

Dmytro Kuleba waxa kale oo uu la kulmay Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika (AU), Moussa Faki Mohamed iyo Guddoomiyaha xilligan ee AU, ahna Madaxweynaha Jasaa’irka Comoros, Azali Assoumani.

W/Q Ustaad Nuradin

Related posts

C/raxmaan C/shakuur oo goor dhow laga sii daayey Xabsiga iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Kursigii Fahad Yaasiin iyo kuraastii kale ee la hakiyay oo dib loogu laabanayo doorashadooda

Cabdi Cade

Somalia & Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis mashruuc weyn lagu dhisayo (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---