Allbanaadir.com
NEWS

Xubno badan oo katirsanaa Kooxda Islaamiga ee Daacish oo xukun dil ah lagu riday

Maxkamad kutaalla dalka Liibiya ayaa xukun dil ah ku riday xubno badan oo katirsan kooxda Daacish , kuwaa oo sannado badan ku xirnaa xabsiyo kuyaalla dalkaasi, iyagoo lagu eedeeyay in ay dilal iyo dhibaatooyin kalaba geesteen.

Warbaahinta dalka Liibiya ayaa baahisay in xukun dil ah lagu riday 35 nin oo lagu helay in ay xubno ka ahaayeen kooxda Daacish, kuwaa oo lagu eedeeyay in ay galeem dambiyo ayna geesteen dilal.

Ragan lagu riday xukunka dilka ah oo isugu jiray kuwa u dhashay Liibiya iyo koox kale oo dalka dibadiisa ka timid, waxa ayna maxaabiistan xabsiyada dalkaasi ku xirnaayeen tan iyo 2016-kii.

Xabsiyada dalka Liibiya ayaa la sheegay in ay ku xiran yihiin in ka badan 300-oo nin ,kuwaa oo la filayo in lasoo taago maxkamado ciidan , waxaana la filayaa in qaarkood lagu rido xukunno dil ah.

Kooxda Daacish ayaa mar awood badan ku yeelatay dalka Liibiya, waxaana dowladda iyo xoogag kale oo hubeesan dagaal adag la galeen kooxda Daacish oo la wiiqay inta badan awoodii ay dalkaasi Liibiya ku lahaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wasiirada oo kulan aan Caadi aheyn maanta yeelanaya iyo Go’aanada laga yaabo in ay…

Cabdi Cade

(Akhriso) Digniino laga bixiyey khatar ku soo wajahan qaar ka mid ah gobolada dalka

Caydiid Ali

Madaxweynaha Iran & xubnihii la socday oo weli nolol & geeri lagu la’yahay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---