Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo Shir aan caadi aheyn uga qeyb galay Itoobiya (Sawirro)

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuuto, Sulub Axmed Firin iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa Dalka Ethiopia uga qeyb galay kulankii 5-aad oo aan caadiga aheyn ee taliyeyaasha booliiska bariga Afrika.

Shirka ayaa looga hadlay xaaladaha nabad-galyo darro ee ka jira gobolka geeska Afrika iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka kooxaha argagixisada iyo dambiyada abaabulan ee ka dhaca dalalka bariga Afrika.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuuto, Sulub Axmed Firin ayaa shirka uga warbixiyay xaalada ammaan ee Soomaaliya, waxa uuna xusay in booliiska Soomaaliya gacan weyn ka geesteen xasilloonida caasimadda iyo deegaanno kale oo dalka katirsan.

Dhinaca kale taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Sareeye Guuto Sulub Firin ayaa kulan doceed la qaatay dhiggiisa dalka Ethiopia Damlesh Gabremechael Waldyes, waxa ayna labada taliye kawada hadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen dhinaca ammaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ka wada hadleen Wasiir Cawad iyo danjire David Concar (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xiisad Dagaal oo u dhaxeysa Labo Dal oo Yurub kuwada yaalla iyo Ciidamo heegan la galiyay

Cabdi Cade

Madaxweyne Donald Trump oo hanjabaadii ugu cusleyd hawada u mariyay Iran

Cabdi Cade
Taboola Ads ---