Qaar badan oo kamid ah madaxda waddamada caalamka ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Turkiga Rajeb Dayib Erdogan, waxa ayna madaxdaasi farriimo usoo direen madaxweynaha la doortay.
Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa qoraal uu soo saaray ugu hambalyeeyay madaxweyne Erdogan , waxa uuna sheegay in ay sii wadi doonaan wada shaqeynta kala dhaxeysa dowladda Turkiga ay kawada tirsan yihiin NATO.
“Hambalyo ku socota Madaxweyne Rajab Dayib ErdoÄŸan ee Dib-u-soo-doorashadiisa. Waxaan horey u sii eegayaa inaan sii wadno inaan si wadajir ah u shaqayno, oo nahay Isbahaysiga NATO ee arrimaha labada dhinac iyo inaan wadaagno caqabadaha caalamiga ” ayuu Biden ku yiri Qoraalka uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka.
Dhinaca kale Madaxweynaha dalka Raashiya, Vladimir Putin ayaa isagana dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweyne ErdoÄŸan, waxa uuna Putin taageero u muujiyay madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Turkiga.
Madaxweyne Putin waxa uu ku bogaadiyey Kaalinta ErdoÄŸan ka qaadanayo xoojinta xiriirka labada dal, iyo inay Raashiya ka go’an tahay in la sii ambaqaado wada-hadal kasta oo wax-ku-ool ah ee ajendayaasha labo geesoodka, kuwa mandiqada iyo guud ahaan caalamka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com