Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay go’aannadii kasoo baxay shirkii golaha Watashiga Qaran ee Muqdisho kusoo gabogaboobay, gaar ahaan arrimaha khuseeya doorashooyinka .
Farmaajo ayaa sheegay in dalka ka dhacaan doorashooyin qof iyo cod ah ay tahay himilo muddo dheer shacabka Soomaaliyeed ay sugayeen in ay mar kale arkaan madax iyo wakiillo ay codkooda ku doorteen, oo ku salaysan nidaamka xisbiyada badan.
”Waxaan soo dhoweynaynaa mabaadiida guud ee lifaaqa heshiiska hoggaamiyeyaasha Golaha Wadatashiga Qaranka ay gaareen 27/5/2023, gaar ahaan arrimaha khuseeya doorashooyinka heer degmo, dowlad goboleed iyo heer federaal oo ay shacabku si toos ah u dooranayaan wakiilladooda, taas oo ah himilo muddo dheer shacabka Soomaaliyeed ay sugayeen in ay mar kale arkaan madax iyo wakiillo ay codkooda ku doorteen, oo ku salaysan nidaamka xisbiyada badan” ayuu yiri Farmaajo.
Farmaajo ayaa sheegay in go’aannadii kasoo baxay golaha Wadatashiga ay yihiin qodobbo masiiri ah oo si toos ah u taabanaya qodobbo dastuuri ah, oo ka beddelaya haykalka ama qaab-dhismeedka dowladda Soomaaliyeed.
”Sida ku cad qodobada lifaaqa Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran waxaa uu xambaarsan yahay qodobbo masiiri ah oo si toos ah u taabanaya qodobbo dastuuri ah, waxna ka beddelaya haykalka ama qaab-dhismeedka dowladda Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaa lagama maar-maan ah nidaam kasta oo loo guurayo in uu noqdo mid looga heshiiyo wadatashi heer qaran ah (WADAR-OGGOL)’ ayuu yiri Farmaajo.
Qodobadii kasoo baxay shirka golaha Wadatashiga Qaran ayaa waxaa inta badan kasoo horjeestay siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaa oo sheegay in madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada ay rabaan muddo kororsi.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com