Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada AMISOM oo dilay dad isku qoys ah kaddib Cabsi xooggan oo lasoo daristay

Wararka ka imaanaya magaalada Baraawe ee caasimadda maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in ciidamada ATMIS duqeyn ku garaaceen deegaanka Mudul Baraawe oo kuyaalla duleedka magaalada Baraawe.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda ayaa helay xog ku aadan in xubno katirsan Al Shabaab isku abaabulayaan Mudul Baraawe, waxa ayna ciidamada oo cabsi lasoo daristay bilaabeen in duqeyn ku garaacaan deegaankaasi .

Madaafiicda ciidamada ATMIS ku garaaceen deegaanka Mudul Baraawe ayaa la sheegay in ay ku dhinteen lix qof oo isku qoys ahaa, halka ay dhaawacyo culus kasoo gaareen labo qof oo kale , dadka dhintay waxaa ku jira carruur.

Taliyaha saldhigga booliska degmada Baraawe Cabduqaadir Khaldaan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in madaafiicda ay tuureen ciidamada Uganda ka socda ay ku dhinteen dad shacab ah aan waxba galabsan.

Ciidamada ATMIS ayaa sidoo kale wararku sheegayaan in duqeymo culus ku garaaceen deegaanka Buulomareer oo gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo Jimcihii ka dhacay weerar ATMIS looga dilay askar badan loogana gubay hub badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin xaaskiisa muddo 12-sanno ah ku dhax xabisay guri oo xabsi la dhigay

Cabdi Cade

Maxey Puntland ugu deg-degtay soo bandhigista Laahor ?

Cabdi Cade

James Swan oo soo laabtay iyo xafiiska UNSOM oo War ka soo saaray (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---