Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Madaxda Madasha Wadatashiga Qaran ayaa kulan la qaatay guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.
Xasan Sheekh iyo madaxda kale ee dowlad goboleedyada dalka ayaa guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka kala hadlayay hir-gelinta go’aanadii kasoo baxay shirkii golaha Wadatashiga ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.
Kulankan waxaa goob-joog ka ahaa dhammaan guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana sharaxaad laga siiyay go’aannada shirka kasoo baxay iyo doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan maamul goboleedyada iyo tan Federaalka.
Guddoonka labada Aqal ayaa wararku sheegayaan in ay soo dhaweeyeen go’aannada kasoo baxay shirka golaha Wadatashiga Qaran, waxa ayna sheegeen in go’aannadan usii gudbin doonaan xildhibaannada labada Aqal.
Shirkii golaha Wadatashiga Qaran ayaa waxaa kasoo baxay go’aanno la xariira hir-gelinta doorashada qof iyo cod, waxaana maamul goboleedyada dalka ka jira loogu daray muddo dheeraad ah oo ku eh bisha November ee sannadka 2024-ta.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com