Allbanaadir.com
NEWS

Hoggaamiye sare oo katirsanaa Al Shabaab oo gacanta dowladda soo galay

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaacisay in gacanta dowladda uu soo galay xubin sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaas oo xilal kala duwan kasoo qabtay muddo 16 sano ah oo uu ka mid ahaa kooxda.

Ninkan ayaa NISA magaciisa ku sheegtay Cabdiraxmaan Macalin Axmed  oo Al Shabaab looga dhax yaqaan (Abuu-Saacid ama Shariif), NISA ayaana sheegtay in ninkan xilalka kala duwan kasoo qabtay kooxda Al Shabaab inta uu kamid ahaa.

Abuu Saacid ayaa soo qabtay xilal ay kamid ahaayeen qaaddiga maxkamadda gobolka Banaadir, qaadiga guud ee Al-Shabaab iyo Lataliyihii hoggaamiyihii Al Shabaab ee Axmed Godane, waxa uu sidoo kale soo noqday madaxii Sakawaadka gobolka Sh/Hoose iyo kuxigeenka madaxii guud ee Sakawadka Al-Shabaab.

Hoggaamiyahan katirsanaa Al Shabaab ayaa hay’adda NISA shaacisay in uu isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya, waxaana ninkan hadda gacanta ku haya ciidamada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) RW Khayre oo booqday Injineeradii Turkiga ee ku dhaawacmay qaraxii Afgooye

Caydiid Ali

R/Wasaaare Rooble oo soo dhaweeyay Talaabo uu maanta Qaaday Axmed Madoobe

Cabdi Cade

Milateriga Israel oo sheegay iney heleen Godka ugu weyn Xamaas ee Gaza (Sawirro)

Caydiid Ali