Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo Fagaare ku dal-dashay Shin nin oo ay ku eedeeyeen Dambiyo culus (Magacyada)

Kooxda Al Shabaab ayaa goob fagaare ah oo kuyaalla degmada Bu’aale ee gobolka Jubada Dhaxe ku dal-dashay shan nin oo ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen basaasiin la shaqeeysa sirdoono kala duwan.

Ragan Al Shabaab dal-daleen oo goobo kala duwan laga soo qabtay ayaa maxkamad gaar ah oo leeyihiin kooxdaasi ku riday xukun dil ah, waxa ayna maxkamadda raggan ku eedeesay in basaas u ahaayeen Mareykanka, sirdoonka DF iyo kan maamulka Jubbaland.

Fagaaraha xukunka dilka ah ka dhacayay waxaa isugu soo baxay dadweyne kala duwan oo la isugu yeeray, waxaa sidoo kale fagaaraha dal-daalada ku sugnaa saraakiil iyo masuuliyiin katirsan kooxdaasi.

Raga la dal-dalay ayaa lagu kala magacaabayay

1-Cabdiraxmaan Tifoow Cabdiraxmaan (Sanqool) oo lagu eedeeyay in uu la shaqeenayay sirdoonka dowladda Soomaaliya.
2-C/llaahi Axmed Maxamuud (Shaadeel) oo 41 sano jir ah ayaa isna lagu eedeeyay in uu basaas ahaa.
3-Maxamed Ibraahim Coloow (Max’med Coloow) 41 sana jir ah Al Shabaab waxa ay ku eedeeyeen in Mareykanka la shaqeeyay qeybna ka ahaa dilkii yC/qaadir Kumaandoos.
4-Siyaad Maxamed Kaahiye (Dhegaweyne) 49 jir ah ayaa isna lagu eedeeyay in Mareykanka basaas u ahaa.
5-Maxamed Maxamuud Coloow 51 sana jir ah ayaa kooxda Shabaab isagana ku eedeeyeen in uu la shaqeenayay sirdoonka maamulka Jubbaland.
Al Shabaab ayaa dadka xukunka dilka ah ku fuliyaan inta badan ku eedeeya dambiyo u badan basaasnimo, waxaana dadkan la saaraa maxkamad aan madax bannaaneen oo ay leeyihiin kooxda Al Shabaab .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Halis gaar ah oo soo wajahday kumanaan haween ah oo ku nool Magaalada Gaza

Caydiid Ali

Ciidamo huwan ah oo howlgal lagu dilay xubno katirsan Al Shabaab ka fuliyay Ceeldheer

Cabdi Cade

Booliiska Soomaaliya oo mudo kadib yeeshaay Afhayeen Cusub

Cabdi Cade