Allbanaadir.com
NEWS

Kulan sharafeed loo sameeyay Edna Aadan oo Abaal-marin Caalami ah kusoo guuleesatay (Sawirro)

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta munaasibad ballaadhan oo soo dhaweyn iyo bogaadin ah qasriga madaxtooyada ugu sameeyey Ergaygiisa gaarka ah ee wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya marwo Edna Aadan Ismaaciil oo sannadkan ku guulaysatay abaalmarinta caalamiga ah ee Templeton Prize.

Marwo Edna oo maanta soo dhaweyn ballaadhan shacabka caasimaddu ugu sameeyey gudaha garoonka caalamiga ah ee Cigaal International Airport oo ay kasoo degtay iyo afaafkiisa, ayuu madaxweynuhu si gaar ah ugu qaabilay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland, halkaas oo loogu sameeyey munaasibad ballaadhan oo ay kasoo qaybgaleen xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, madax-dhaqameed haween iyo marti-sharaf kale, waxana laga jeediyey hadallo kooban oo loogu mahadnaqayo guusha ay soo hoysay.

Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo isbeddelka cimilada, marwo Shugri xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa iyaduna dhankeeda hambalyeysay guusha ay marwo Edna gaadhay, waxanay tilmaantay inay kamid tahay hantida gaar ahaaneed ee bulshada reer Somaliland dhiggood dheer yihiin.

Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha qaranka u qaabilsan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo kelmedo kooban ka jeedisay madasha, ayaa madaxweynaha iyo guud ahaanba muwaadiniinta kale ee reer Somaliland ugaga mahadnaqday sida kalgacaylka leh ee ay usoo dhaweeyeen, waxana ay bulshada reer Somaliland ugu baaqeen inay isku duubnaadaan, difaaca qarankooda iyo ilaalinta sharaftoodana meel uga soo wada jeestaan.

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda marwada lagu sharfayo soo Afmeeray, ayaa ugu horrayn si cad u sheegay in marwo Edna xaq u leedahay in si heer sare ah loogu muuneeyo xarunta qasriga madaxtooyada, maaddaama oo ay magacii qaranka iyo kii haweenka reer Somaliland-ba meel sare gaadhsiisay, waxa uuna yidhi “Haddii qofka wax tara aan la xusin oo aan loo mahadnaqin Bani’aadamku qiime yeelan maayo, maantana goortan kulul waxaynu halkan u joognaa waa soo dhaweynta guusha ay caalamka ka keentay iyada oo qof dumar ah, waa guushaa caalamiga ah ee Edna ay noqotay gabadhii dumar ahayd ee Afrika ugu horraysay ee caalamku ku maamuuso abaalmarinta Templetone prize oo sannadkiiba qof ka helo adduunka.”

Madaxweynuhu waxa uu guusha marwo Edna Aadan ku sifeeyey mid Sharaf u ah bulshada uu madaxweynaha u yahay iyo guud ahaanba midda ku dhaqan qaaradda Afrika, mudan tahayna mahadnaq dheeraad ah,“Inay Edna caalamka guushaas kasoo dhex qaadday waa Sharaf Somaliland usoo hoyatay, waa Sharaf Afrika usoo hoyatay oo inta horumarka iyo wanaagga jecel usoo hoyatay, sidaas darteed aniga oo ku hadlaya afkii qaranka aad iyo baan kaaga mahadnaqayaa guushaas caalamiga ah ee aad keentay haddii aannu Somaliland nahay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Related posts

Golaha loo dhan yahay ee QM oo cod u qaaday go’aankii Trump uu ka qaatay Magaalada Qudus

Caydiid Ali

Go’aan adag oo ka dhan ah Milatariga Sudan Xukuma oo lasoo saaray (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Cabdikariin Guuleed oo ka shifay in ay socdaan Shirar qarsoodi ah iyo Gor gortan ay Madaxda Dowlada ka…

Cabdi Cade