Allbanaadir.com
NEWS

Xubin ka tirsanaa Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo iscasilay iyo Puntland oo…

Waxaa maalintii Khamiista ee isbuucii tagay u gudbiyay istiqaalo rasmi madaxweyne Xasan Sheekh xubin ka tirsan guddiga sarre ee maamulka Bankiga Dhexe (Board of Directors) oo lagu magacaabo Cismaan Salaad Gabeyre oo si aad ah u qabay in isbeddel lagu sameeyo maamulka fulinta ee Bankiga oo Guddoomiye cusub uu yeesho Bankiga Dhexe.

Madaxweyne Xasan oo dhagaha ka fureystay soo jeedin dhamaystiran oo ay soo jeediyeen guddiga sarre ee maamulka ayaa 3 bilood u kordhiyey Guddoomiye C/raxmaan oo saaxiib dhow la ah RW hore ee dalka Xasan Cali Kheyre.

Madaxweyne Xasan ayaa lasoo warinayaa in uu mudadaas 3da bilood ah uu dhoowrayo halka ay saldhiganayso xurgufta kala dhexeeyso maamulka Deni oo hadii meel wax la isla dhigo uu qof reer Puntland ah oo taageero ka heysto maamulkaas iyo siyaasiyiinta uu u magacaabayo in uu hogaamiyo Bankiga Dhexe ee Dalka.

Waxaa sidoo kale warar laga soo xigtay ilo ku dhow madaxtooyadda ay sheegayaan in xilka guddoomiyaha Bankiga dhexe si balaaran dadaal iyo olole ay ugu galayaan siyaasiyiin reer Puntland ah oo uu horkacayo Madaxweynihii hore ee Puntland Senator C/raxmaan Faroole, La taliyaha madaxweynaha C/risaaq Jurile iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Abshir Huruuse oo qorshahooda yahay in qof reer Puntland ah la geeyo Bankiga Dhexe.

Siyaasiyiintaas ayaa qabo in Madaxweyne Deni ay iyaga u aadaan ergo ahaan laguna qanciyo xilka Guddoomiyaha Bankiga iyo in xilka lagu sii haayo Maareeyaha Hay’adda Tirokoobka Mudane Sharmaarke isla markaana reer Puntland laga siiyo saami libaax leh dhammaan xilalka iyo kheyraadka ay garwadeenka ka tahay dowladda Federaalka.

Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo ugu badnaan ay soo maamuleen Guddoomiyeyaal reer waqooyi ah sida C/laahi Xaaji, Yusur Abraar, C/salaam Hadliye iyo Guddoomiyaha waqtigiisa dhamaaday ee C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa waxaan jirin shaqsi ama siyaasiyiin reer waqooyi ah oo xusul-duub ugu jiro xilkii ay saami-qaybsi ahaan u lahaayeen balse ay suurogal tahay in ay jirto in ololahoodu yahay mid hoose oo qarsoon.

Kadib markii xiisadii u dhaxeysay Dowladda Puntland iyo Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay sarre u kacday oo ereyo siyaasadeed oo xanaf leh ay isdhaafsadeen madaxda labada dhinac ayaa fursaddo dhex-dhexaadin ah iyo wax kala beddelasho uu ugu horeeyo xilka Guddoomiyaha Bankiga ay ka dhalatay in lagu abaalmariyo siyaasiyiinta reer Puntland ee looga fadhiyo in ay keenaan isku soo dhowaansho labadda dhinac ah.

Waxaa sidoo kale jiro in hanqal-taag balaaran oo xilka Guddoomiyaha Bankiga dhexe uu ku jiro siyaasiyiin uu horkacayo Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya iyo Siyaasiyiin kale halka siyaasiyiin Hawiye u badan oo Madaxweynaha u dhow sida Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda oo xiriir dhow la lahaa Guddoomiye C/raxmaan uu qaatay in xilkaan laga dhex bixiyo dhammaan dhinacyadda oo loo dhiibo La taliye Sarre ee Madaxweynaha ah oo lagu magacaabo Aweys Xaaji oo sheegay in uu kasoo jeedo beelaha Shanaad halka xogo rasmi iyo baaritaan aan samaynayna lagu ogaaday in uu kasoo jeedo beesha Hawiye oo xilalkii Hay’addaha dalka oo idil qaatay sida Nabadsuggida, Militariga iyo Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Hanti-dhowraha Qaranka iyo qaar kale.

Sida aan wararka ku helnay, waxaa Madaxweynaha oo loolaankaas sarre kusoo xusnay ee xilka Guddoomiyaha Bankiga Dhexe oo ka dhexeeyo beelaha Daarood, D&M iyo Hawiye kadib ku dhex qasmay go’aansaday bishii hore dhamaadkeedii in uu muddo 3 bilood ah u sii kordhiyo xilka Guddoomiyaha Bankiga, taas oo sahli karto in musuq uu dhoco ayaa waxaa Guddoomiye C/raxmaan oo aan wax badan ka qabanin Hay’adda mudadii 4ta sanno ahayd ee uu joogay wuxuu Madaxweynaha goostay in uu fursad u helo in uu ka fekero qofka lagu beddelayo Guddoomiyaha Bankiga oo loo badinayo in noqdo shaqsi Daarood ah oo kasoo jeedo Puntland.

Madaxweyne Xasan ayaa waxay warar rasmi ah oo laga soo xigtay xubno ka tirsan Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, La taliyeyaal iyo Madax sarre oo madaxtooyadda ka tirsan sheegayaan in uu jiro qof gaar ah oo reer Puntland ah oo lasoo ololeeyay uu madaxweynaha u balanqaaday in loo magacaabayo xilka Guddoomiyaha Bankiga Dhexe oo dhowaan la shaacin doonno magaciisa iyo aqoonta uu u leeyahay hogaaminta hay’addan laf-dhabarka u ah dhaqaalaha Dalka.

Madaxweynaha oo culeys iyo dagaal siyaasadeed kala kulmay Madaxweynaha Puntland ee Deni oo shirkii Baydhabo iyo kan isbuucaan ee Xamar ka baaqsaday ayaa looga fadhiyaa siduu u kala qancin lahaa siyaasiyiin jilbo culeys ah sida Sh. Aadan Madoobe, Laftagareen, C/raxmaan Faroole, danno siyaasadeed iyo wax ka beddelka Hay’addan muhiimka ah (Bankiga Dhexe) oo u baahan hogaamin, xilkasnimo iyo aqoon dhaqaale iyo la macaamilka Hay’adda Lacagta Aduunka, Bankiga Aduunka iyo Bankiyadda Dunida iyo sidoo kale ka in la jiheeyo Dhaqaalaha dalka sida daabicista shilinka soomaliga, baahinta laamaha Bankiga ee dalka, horumarinta shuruucda lagu maamulo Bankiyadda Dalka iyo kuwa Caalamiga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiyihii ugu ‘dayda weynaa oo loo Magacaabay degmo ka tirsan Muqdisho

Caydiid Ali

Qarax weyn oo ka dhacay Masjid iyo dad uu ku jiro imaamkii oo ku naf waayey

Caydiid Ali

Dad ka badan 70 qof oo ku dhintay Mashaqo ka dhacday dalka Ciraaq (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali