Allbanaadir.com
NEWS

Taalibaan oo hanjabaad culus u dirtay Iran kaddib dagaal labada dhinac dhax maray

Dagaal khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa shalay dhax maray ciidamada maamulka Taalibaan iyo ciidamada ilaalada Kacaanka Iran ee ku sugan xadka ay wadaagaan labada dal.

Inta la xaqiijiyay saddex askari ayaa ku geeriyootay dagaalkii shalay dhax maray ciidamada Taalibaan iyo kuwa Iran, waxaana askartaasi labo kamid ah kasoo jeedaan Iran, halka midka saddexaadna uu katirsanaa ciidamada Taalibaan.

C/Xamiid Kharsaani oo lagu naanayso Naasir Badri kana tirsan taliyaasha sar sare ee ciidamada Taalibaan ayaa ku hanjabay in ciidamada Iran ula dagaalami doonaan si ka daran sidii ay ula dagaalameen ciidamada Mareykanka iyo kuwa shisheeye.

Dagaalka labada ciidan ee Taalibaan iyo Iran dhax maray ayaa la sheegay in uu socday in ka badan afar saacadood, waxa uuna dagaalkan saameyn xooggan ku yeeshay dhaq dhaqaaqii xuduuda ka jiray.

Isku dhaca labada ciidan ayaa la sheegay in uu sabab u yahay ,kaddib markii uu fashilmay Kulan ay labada dal kaga xaajoonayeen saamiga ay dowladda Iran ku leedahay biyaha Webiga Helmand.

Dowladda Iran ayaa horey u sheegtay in aysan aqoonsaneyn kooxda Taalibaan ee ka talisa dalka Afgaanistan, Iran iyo Afganistan oo wadaaga dhul xuduudeed dhererkiisu dhan yahay 921 KM oo u dhiganta 572 miles ayaa laga cabsi qabaa in dagaal xooggan dhax maro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tiktok oo laga xirayo Mareykanka iyo codsi ka yimid Trump oo la diiday

Cabdi Cade

Booliiska oo Muqdisho ku qabtay rag waxyeelo kasoo gaartay bam ay tuureen

Cabdi Cade

Kulan xasaasi ah oo Muqdisho uga socda Qoor-qoor, Guudlaawe & Musharaxiinta

Caydiid Ali
Taboola Ads ---