Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Museveni oo xaqiijiyay in Al-shabaab ay dileen askar ka tirsan ciidanka Uganda

Al Shabaab ayaa weerar culus oo dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac Jimcihii ku qaaday xero ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda ka socda ka joogeen deegaanka Buulomareer ee Sh/Hoose.

War kasoo baxay Al Shabaab ayey ku sheegeen in weerarkaasi ku dileen in ka adan 130 askari oo katirsanaa ciidamada Uganda, waxa ay sidoo kale sheegeen Al Shabaab in weerarkaasi ku qabteen askar nool oo ATMIS ka tirsaneyd.

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa xaqiijiyay in khasaare dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray askartooda nabad ilaalinta u joogta Soomaaliya weerarkii Al Shabaab ku qaadeen Buulamareer.

Museveni ayaa ka gaabsaday in uu sheego tirada askarta looga dilay loogana dhaawacay weerarkii lagu qaaday xeradooda, waxa uuna kaliya qiray madaxweynaha in uu jiro khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac oo weearrka kasoo gaaray.

Madaxweynaha dalka Uganda ayaa sheegay in la sameeyay guddi baaritaano ku sameeya sidii uu u dhacay weerarkaasi, waxa uuna tacsi u diray ehelada askartii lagu dilay weeraka Al Shabaab ku qaadeen xeradooda Buulamareer.

Musaveni ayaa sheegay in intii uu socday weerarkaas qaar ka mid ah askartii halkaasi ku sugneyd aysan u dagaallamin sidii la rabay, waxa uuna xusay in argagax ku dhacay askarta ay keentay in Al Shabaab ka faa’iideestaan ayna gudahana u galaan saldhigga.

Taliska ATMIS ayaan wali shaacin tirada khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee weerarka kasdoo gaaray ciidankooda, waxa ayna saraakiil katirsan ATMIS sheegeen in ay socdaan baaritaano iyo qiimeyn lagu sameenayo khasaaraha ka dhashay weerarka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlad Afrikaan ah oo loogu deeqay lacag dhan 127 Milyan dollar oo loogu tala galay…

Cabdi Cade

Villa Somalia oo ka tanaasushay Mid ka mid ah caqabadihii ku hor gudbanaa doorashada

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Deni iyo danjire Staffan Tillander? (Sawirro)

Caydiid Ali