Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke ayaa si adag uga soo horjeestay war-murtiyeedkii kasoo baxay shirka golaha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.
Cumar Cabdirashadiid ayaa ku tilmaamay go’aanadii kasoo baxay shirka golaha wadatashiga Qaran in uu u muuqdo mid dalka gacanta u galay nidaam kaligiis talis ah oo doonaya muddo kororsi.
” Golaha Wadatashiga Qaran ma waxa uu isku beddelay taliskii Millateriga ee hore, nidaamkii xisbiyada badanna la laalay oo hal nidaam xisbi dib loo dhisay” ayuu ku yiri qoraalka uu soo saaray Cumar Cabdirashiid.
Waxa uu sheegay Cumar Cabdirashiid go’aanada kasoo baxay shirka golaha Wadatashiga Qaran uga sii dareyso xaalada siyaasadeed ee dalka, waxa uuna xusay in lagu soo duulay nidaamkii dimuquraadiyada.
Hadalka Cumar Cabdirashiid ayaa kusoo aadaya xilli madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ku heshiiyeen muddo kororsi loo sameeyo mamaulada, taa oo walaac badan galisay siyaasiyiinta dowladda ka madaxa bannaan.
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com