Allbanaadir.com
NEWS

Diyaaradii ugu horeysay oo uu saaray Shiinaa oo hawada sare u duushay

Diyaaradii ugu horeysay ee Shiinuhu soo saarto gudaha dalka Shiinaha ayaa duushay duulimaadkeedii ugu horeeyay ee ganacsi.

TV-ga dowladda ayaa muujiyay diyaaradda C919 oo kaduuleysa hawada sare ee Shanghai iyadoona, kuna sii jeeday caasimadda Beijing horaantii saaka.

Waxa dhistay Shirkadda Duulimaadyada Ganacsiga ee Shiinaha (Comac) iyada oo rajaynaysa in ay jebiso awoodda diyaaradaha ee shirkadaha Airbus iyo Boeing.

Laakiin diyaaradan ka kakooban 164-kursi ayaa wali si weyn ugu tiirsan qalab la keenay wadamada reer galbeedka, oo ay ku jiraan matoorada iyo qalabka duulista.

Duulimaadkii ugu horeeyay ee ganacsi oo ay ka duushay Shanghai kuna socotay Beijing, waxay kujartay wax ka yar saddex saacadood,waxaana la socday inkabadan 130 qof oo rakaab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal ka dhacay Luuq, xili shalay heshiis la kala saxiixday

Caydiid Ali

Isbedel lagu sameeyay Qaab Dhismeedka Hogaanka Ciidanka Milatariga (Akhriso)

Cabdi Cade

Safiirka dalka Faransiiska u fadhiya NIGER oo 48 saacadood loo qabtay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---