Allbanaadir.com
NEWSXULKA

Hooyada Dhashay Madaxweynihii hore ee DDSI oo codsi u dirtay Shacabka Soomaaliya

Diid Mahad Colow oo ah Hooyada dhashay Madaxweynihii hore ee dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka hadashay xaalada uu xiligan ku sugan yahay wiilkeeda oo ku xiran xabsi kuyaala magaalada Adis Ababa.

Muuqaal ay soo duubtay Hooyada Madaxweynihii hore ee DDSI ayey kaga hadashay xaalada uu xiligan ku sugan yahay, waxa ayna codsi u dirtay guud ahaan Shacabka Soomaaliya gaar ahaan Soomaalida Itoobiya kunool.

Waxa ay sheegtay Hooyada dhashay Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya in uu hada ku xanuunsanayo xabsi uu ku xiran yahay oo kuyaala magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Hooyo Diidi ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Soomaalida Itoobiya ka codsaday in ay iska cafiyaan weelkiida hadii ay jiraan dhibaatooyin iyo waxyaalo kale uu u geestay intii uu xilka hayay.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayey sidoo kale Hooyo Diidi ka codsatay in uu xabsiga kasii daayo Wiilkeeda , waxa ayna sheegtay in xaalad adag wiilkiisa ku heesato xabsiga uu ku xoran yahay.

Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu qasbay in uu is casilo kadib rabshado xoogan oo ka dhacay Jigjiga, waxaana markii dambe loo taxaabay xabsi kuyaala Adis Ababa uu hada ku xiran yahay.

 

Related posts

Wararkii ugu danbeeyay ee 24 saac ee lasoo dhaafay (Gudaha iyo dibadda)!!

admin

Dhac Nuuc cusub ah oo kusoo kordhay Muqdisho iyo Walaac xoogan oo laga muujiyay

Cabdi Cade

Hoggaanka Ahlu Sunna oo Dalab Xasaasi ah u gudbisay Madaxweyne Qoor Qoor

Cabdi Cade
Taboola Ads ---