Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii u dambeeyey doorashada ku celiska ah ee beri ka dhaceysa Turkiga

Dadka dalka Turkiga ayaa maalinta berita ah u dareeraya doorashada ku celiska ah ee madaxweynaha oo ay ku baratamayaan madaxweynaha talada haya Racep Tayyip Erdogan iyo Kemal Kılıçdaroğlu.

Codbixiyayaasha ayaa Axadda berri ah dooran doona Madaxweynaha dalkaas xukumi doona shanta sano ee soo socota, kadib markii doorashadii 14-kii bishan May la waayay musharrax gaara codadka lagu guulaysan karo oo ahaa %51 iyo wixii ka badan.

Madaxweyne Rajab Tayib Erdogan ayaa loollan adag kala kulmaya Kemal Kilicdaroglu oo ah musharraxa ay wataan mucaaradka, kaasoo wareeggii koobaad helay 44.9% codadkii la dhiibtay, halka Erdogan uu helay 49.5%.

Sinan Ogan oo kaalinta saddexaad galay, isla markaana helay 5.2% codadkii la dhiibtay ayaa toddobaadkan taageeray Madaxweyne Erdogan taasoo sare u qaadday rejada uu kaga guulaysan karo mucaaradkiisa.

Erdogan oo muddo 20 sano ah u talinayay waddankiisa ayaa rejaynaya in uu noqdo hoggaamiyaha ugu muddada dheer Turkiga casriga ah.

Waxa uu beeniyay saadaashii ahayd in kaalinta labaad uu ka geli doono doorashadii dhacday bartamihii bishan May, taasoo loo badinayay in ay guul wanaagsan ka gaaraan mucaaradka.

Isbahaysiga uu hoggaamiyo xisbiga talada haya ee AKP ayaa ku guulaystay aqlabiyadda baarlamaanka Turkiga, waxaana taasi ay Madaxweynaha siisay fursad uu taageero kaga raadsan karo darafyada kale.

Kemal Kilicdaroglu ayaa ah musharraxa mucaaradka iyo guddoomiyaha xisbiga CHP ayaa ballanqaaday in Turkiga uu ka dhigi doono dal siyaasaddiisu furfuran tahay, dimuqraaddi ah, uuna dib u soo celin doono hannaankii Baarlamaaniga ah ee uu Erdogan meesha ka saaray.

Balse hadallo uu sheegay kadib doorashadii 14-kii May ayaa la rumaysan yahay inay dhaawaceen rejadiisa, gaar ahaan ballanqaadkiisa ah inuu dalka ka saari doono malaayin qaxooti Siiriyan ah oo dalkaas magan galay markii ay dagaaladu ka qarxeen dalkooda 12 sano ka hor.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qorshe lagu soo xiri rabay Saraakiil dagaal xoogan ku dhax maray Muqdisho oo fashilmay

Cabdi Cade

Khaliif Cabdinuur Maxamed & qori uu watay oo isku dhiibay Booliska Kenya

Caydiid Ali

Odayaal ‘ka baxsaday ciidan uu usoo diray’ Axmed Madoobe oo ka cararay Kismaayo iyo Wararkii ugu danbeeyay !!

admin