Allbanaadir.com
NEWS

Doorashadii ka dhacday Puntland oo dibeda soo dhigtay tuhun muddo badan jiray

Puntland doorashadii ka dhacday May 2023 waxey u horseeday guul siyaasadeed oo ay ka gaartey dimoqaraadiyeynta maamulkeeda gudaha, balse dhinaca kale waxay kala kulantay guuldaro siyaasadeed oo barbar socotey guusheeda, taas oo hoos u dhac ku keeneysa miisaanka saami-qeybsiga ay ku leedahay awooda dowladda dhexe, maxaa yeelay natiijada doorashadaas waxey iftiimisay wax indhaha Soomaalida ka qarsoonaa oo ay banaanka u soo baxisay, taas oo ahayd in Puntland ay leedahay dad tiro yar, haddana ay lahayd damac waaliya oo ay ku doonayso awooda saami qeybsiga dowladda dhexe iney ku hesho sadbursi ka badan inta ay helaan qeybaha kala duwan ee maamulada Soomaalida intooda kale, iyadoo weliba ay suurtogal tahay in maamuladaas dhamaantooda ay ka dad tiro badan yihiin.

Waxaan ka mid ahaa hawlwadeenadii dowladda ee ka qeybgalay 1975 tirakoobkii lagu sameeyey dadka ku nool jamhuriyadda Soomaaliya oo qarashka ku baxay hawlgalkeeda ay bixisay Qaramada Midoobey. Waxeyna natiijada ka soo baxday tirakoobkaas ay wax badan ka bedeshey qiyaastii laga haystey dadka ku nool gobolada Waqooyi Bari oo markii hore loo yiqiinay gobolka Majeerteenya, kadibna loo qeybiyey laba gobol oo lagu kala magacaabay Nugaal iyo Bari, haddana labaxay magaca Puntland oo ah midka hadda loo yaqaan. Dadka deegaankaas ayaa naasnuujin xad-dhaafa ka heli jirey dowladihii rayidka ahayeen oo ay madaxda sare ka ahaayeen madax ka soo jeeda heybtooda Kacaankii Oktobar ka hor, kuwaas oo tuulo walba ka dhigay degmo la xuquuqa degmooyinka waaweyn sida Beledweyne.

Waxaan dalka Talyaaniga waxbarasho u tegey 1983, waxaana laybareeriga jaamacadda aan kula kulmay nin Talyaaniya oo ka shaqeynayey madxafka oo awoowgiis uu ka mid ahaa gumeysigii Talyaaniga, ninkaas oo fahmey inaan Soomaali ahay, kadibna wuxuu isla markiiba ii keenay buug ka hadlaya Soomaalida oo la qoray xiligii Talyaanigu ay gumeysanayeen Soomaalida, waxaana buugaas ku xardhanaa gabdho Soomaaliyeed oo naasahoodu qaawan yihiin iyo amaan badan oo loo soo jeedinayey tolweynaha ku noolaa deegaanka Waqooyi Bari oo tirada dadkooda si beenabuura loogu buunbuuninayey buugaas, waxaana buuga ka muuqatey sida gumeystihii Talyaaniga ay uga go’nayd iney ka abaal mariyaan kalkaaliyeyaashoodii sida daacada ah ugala shaqeynayeen danahooda gumeysi, waxeyna tirada dadka dhulkaas degen ay ka dhigeen qiyaasta inuu yahay 85% tirada dadka guud ee Soomaaliya xiligaas ku noolayd.

Nasiibdaro, tirakoobkii dadka Soommalida laga qaaday 1975 dowladii mileteriga waa ay ka gaabsatay iney soo bandhigto natiijadeeda, maxaa yeelay waxey kala kulantay wax ka horyimid qorshaheedii ahaa iney Soomaaliya tirada dadkeedu gaarsiisan tahay 25 milyan, taas oo ay dowladda Kacaaanka ku damacsanayd iney caalamka uga helaan yaboohsi mug leh oo ay Itobiya mucaawinada ay ka hesho caalamka ay kula tartamaan, waxaana natiijadaas ogaa oo keliya dad yar oo la socdey xog ururinta tirokoobkaas. Taas ka sokow, waxaa ugu weyneyd ceebaha la qarinayey in goboladda Waqooyi Bari laga helay wadarta dadka ku nool oo noqotay wax ka yar laba boqol oo kun, taas oo tirada dadkooda ay aad uga yareyd tirada dadka laga diiwaanka geliyey degmada afgooye oo keliya oo ay tiradoodu kor u dhaaftay saddex boqol oo kun, waxeyna xaqiiqda tirakoobkaas ay salka ku haysay tirada dadka sida runta ah ugu nool deegaankaas, taas oo marka la ogaadey cid walba gelisey dareen ka turjumaysa isku dheelitir la’aanta aan is lahayn ee ka jirta damaca ku dhisan sadbursiga saamiqeybsigeeda awooda dowladda dhexe iyo tirada ay ku leeyihiin dadweynaha Soomaaliyeed oo aan is waafaqsaneyn.

Waxaa tuhunkaas jirey oo la qarinayey hadda banaanka soo dhigay tirada dadka codeeyey doorashadii ka dhacday deegaanadaas 25/05/2023 oo 48 sano kadib weli dhaafi waaysey tirakoobkii la qarinayey 1975 oo qiyaas ahaan ka badan weysey laba boqol oo kun oo weliba ka badbadis ay ku jirtey, taas oo hadda kadib saldhig qiyas-cabira u noqon doonta saami qeybsiga awooda iyo dhaqaalaha ay ummadda Soomaaliyeed wadaageyso mustaqbalka dhow. Inkastoo doorashada Puntland ay tahay guul siyaasadeed oo u soo hoyatey hogaamiyaha iyo shacabka maamul goboleedka Puntland oo ku tilaabsaday horumar dimoqaraadiyadeed, haddana guushaas waxaa barbar socotey iney isla dadka deegaanka ay gacmahooda ku xaqiijiyaan tiradooda dhabta ah, taas oo fadeexad ku ah beentii ahayd iney Soomaaliya ka yihiin dadka ugu tirada badan.

Miisaanka siyaasadeed oo ay kala leeyihiin bulshooyinka kala degen maamulada ka jira dalka waxaa qiyas ahaan lagu cabiraa tirada ay bulshadaas ku leedahay wadarta guud ee dadweynaha ku nool dalkaas, taas oo ah cabir lagu qiyaasayo saameyntooda dhaqaale, ciidan, iyo midkooda siyaasadeed. Waxaa nasiibdaro ah in dad tiro yar oo deegaankoodu inta badan uu maran yahay haddana ay ku haminayaan dhulfidsi iyo iney helaan saami awoodeed oo ka sareeysa Soomaalida inteeda kale, iyagoo raba iney xeeladahooda dhagareysan ay ku gaaraan iney mudnaan gaara ugu helaan madax ka soo jeeda heybtooda oo ay ku yeeshaan hogaanka sare ee dalka, kadibna damacooda sedbursiga ku dhisan ay ku meelmarsadaan, waxaase riyadaas beeneeyey tirakoobka laga helay codbixinta doorashada dhacday bisha May 2023 oo Puntland u horseeday guul maamul goboleed iyo guuldaro awooda saami-qeybsiga dowladda dhexe ee Soomaaliyeed.


Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo xaqiijiyey in Muwaadinkii labaad looga dilay dagaalka Ukraine

Caydiid Ali

Laamiga Dayniile oo sanado kadib dib u dhis lagu bilaabay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xukuno dil iyo Xabsi daa’in ah oo lagu riday rag dilal ka geestay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---