Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu Taliyaha Booliska kala hadlay Saraakiisha ciidanka howlgalka Ciiltire? (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa la kulmay Saraakiisha Ciidamada Amaanka ee Howlgalka Ciiltire. Isla markaana, ka howlgala Amniga Caasimada.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa Sidii loo dardar galin lahaa Sugida Amniga Caasimada. Maadaama, mudooyinkii dambe uu ka socday howlgalka Ciiltire ee la dagaalanka Khawarijta, Burcada hubeysan iyo  Maandooriyaha.

Saraakiisha ayaa looga dhageystay meesha uu marayo hirgalinta Xeerka Xakameynta Hubka Caasimada iyo dadaalada Howlgalka Ciiltire, Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa ka mahadceliyay sida shaqadu u socoto, dadkana loogu adeegayo.

Ugu dambeyn, taliyaha ayaa bogaadiyay kuna dhiirigaliyay Saraakiisha gudashada waajibaadka Sugida Amniga iyo Amaanada Imtixaanaadka Qaran, wuxuuna kula dardaarmay iney dedaalkooda sii xoojiyaan.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkan soo hagaagayey ka dib markii ciidamada amaanku ay xoojiyeen howlgalada lagu sugayo amaanka, waxaana hoos u dhacay, qaraxyada, dilalka, Ciyaal weerada iyo burcada dhaca u geysta shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu Deni kala hadlay Xildhibaanadii lagu doortay Boosaaso? (Sawirro)

Caydiid Ali

Mid ka mid ah raggii ka qeyb qaatay Weerarkii 14kii Oktoobar oo Xukun dil ah lagu fuliyey

Caydiid Ali

Booyado Shidaal wada oo ay leeyihiin Soomaali oo ku xanbidan xadka dalalka…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---