Allbanaadir.com
NEWS

Jeneraal Odawaa iyo Saraakiil kale oo maanta gaaray Galcad kormeerna sameeyay (Sawirro)

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya General Odowaa Yuusuf Raage oo uu wehliyo taliyaha ciidanka dhulka General Maxamed Tahliil Biixi ayaa maanta gaaray Magaalada Galcad ee gobalka Galgaduud.

Jeneraal Odawaa iyo saraakiisha la socota ayaa kulamo la qaatay saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee ku sugan magaalada Galcad , waxa ayna kala hadleen howlgalada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab  ee la filayo in mar kale dib loo bilaabo.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo Jeneraal Biixi ayaa kormeer ku sameeyay saldhigyada ciidanka xoogga dalka ee ku leeyihiin Galcad, waxa ayna ciidamada halkaadsi jooga kula dar daarmeen in ay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Al Shabaab.

Booqashada maanta ku tageen magaalada Galcad taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo saraakiisha kale ee la socota ayaa kusoo aadaya, xilli ay hakad galeen howlgaladii ka dhanka ahaa Al Shabaab ee ka socday gobolka Galgaduud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Shuruudaha iyo lacagaha laga rabo Musharixiinta labada Aqal ee Baarlamaanka

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Madaxweyne caan ah oo gabadhiisa ka dhigay Madaxweyne ku-xigeen

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Saameynta Muqdisho ku yeeshay Roob xoogan oo xalay ilaa maanta ka da’aya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---