Allbanaadir.com
NEWS

Aas Qaran oo loo sameeyay Korneel Cismaan Jeelle iyo Madaxweynaha oo ka qeyb galay (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Salaadda Janaasada ku tukaday Alle ha u naxariistee Marxuum Cismaan Maxamed Jeelle oo ka mid ahaa Xubinihii Golaha Sare ee Dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu door ka soo qaatay dowlad-dhiska Soomaaliya, isagoo soo noqday Wasiir, Duqa Muqdisho iyo Ergey Madaxweyne, kuwaas oo dhammaantood uu ugu shaqeeyey dalkiisa iyo dadkiisa Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa markii ay soo idlaatay salaadda janaasadu waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen janaasada, isoogana Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdows.

Janaasada Marxuum Cismaan Maxamed Jeelle waxaa ka qayb galay, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, Ra’iisul Wasaaraha XFS,Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaannada Labada Gole, masuuliyiin heer Gobol.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo heshay dukumentiyo sir ah iyo khariiraddii ay adeegsan lahayd Daacish

Cabdi Cade

Al-Jowlani: Islaami xagjir ahaa oo isku bedelay qunyar socod furfuran

Caydiid Ali

Kamala Harris oo jeedisay hadal ka careysiiyey Netanyahu

Caydiid Ali
Taboola Ads ---