Allbanaadir.com
NEWSXULKA

Madaxda Eritrea iyo Itoobiya oo Farmaajo kusoo dhaweeyay Asmara (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea oo lagu wado in beri ka furmo shir sadex geesood ah.

Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Asmara waxaa Madaxweyne Farmaajo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha dalka Eritrea Asaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo dhaweynta kadib waxaa loo galbiyay Hotel kuyaala magaalada Asmara, waxaana caawa la filayaa in Madaxweyne Farmaajo kulamo la qaato Madaxda Eritrea iyo Itoobiya.

Madaxda dalalka Soomaaliya , Eritrea iyo Itoobiya ayaa lagu wadaa in beri yeeshaan shir sadex geesood ah ay uga wada hadlayaan arimo muhiim ah ay ku jiraan  adkaynta xasilloonida amni iyo dhaqaale ee gobolka ee Geeska Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Ciidamada Ukraine oo bur buriyay Markab Ruushka lahaa oo gantaalo ku rarnaayeen

Cabdi Cade

Howlgal lagu burburiyey Saldhig ay lahaayeen Al-Shabaab oo ka dhacay Sh/hoose

Caydiid Ali

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo la wareegay Deegaanka Masagaway

Cabdi Cade
Taboola Ads ---