Allbanaadir.com
NEWS

Shacabka Muqdisho oo boggaadiyay Taliyaha Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka

Magaalada Muqdisho waxaa xilligan laga dareemayaa niicaw amni iyo xasilooni, waxaana magaalada si wadajir ah uga howlgalaya ciidamada booliiska sida milatariga u tababaran iyo ciidamada Sirdoonka Qaranka ee NISA.

Qorshaha sugida amniga caasimadda ayaa xogaha aan helnay sheegayaan in uu keenay agaasimaha hayƔdda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka, Mahad Maxamed Salaad oo kaashanayay khubaro dhinaca ammaanka aad ugu xeel dheer .

Tam iyo markii xilka agaasimaha hayƔdda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka loo magacaabay Mahad Salaad oo kasoo wareegtay muddo sannad ah, waxaa isbadal amni oo aad u weyn laga dareemay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sirdoonka Qaranka ayaa fashiliyay weeraro badan ay qorshgeeyeen kooxda Al Shabaab , waxa ay sidoo kale soo qabteen hub nuucyo kala duwan leh iyo qaraxyo la doonayay in shacab kalagu dhibaateeyo, sirdoonka ayaa sidoo kale fuliyay howlgalo lagu naafeeyay Al Shabaab.

Caasimadda Muqdisho waxaa hadda ku yaarady qaraxyadii iyo dilalkii qorsheesnaa ay fulin jireen xubno katirsan Al Shabaab, waxa ayna ciidanka Nabad sugida sabab u noqdeen in magaalada ka firxadaan xubno badan oo katirsanaa Shabaab ,halka qaarkoodna la qabtay.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa aad ugu mahad-celiyay agaasimaha HayƔdda NISA Mahad Maxamed Salaad, waxa ayna tilmaameen in Mahad wax badan ka qabtay xasilooni daradii caasimadda ka jirtay ayna hadda dareemayaan niicaw amni iyo xasilooni.

Waxa ayna shacabka Muqdisho ku booriyeen agaasimaha NISA in halkiisa kasii wado shaqada uu Qaranka u hayo, iyagoona xusay in ay garab istaagi doonaan lana shaqeyn doonaan ciidamada amniga si cadawga loo ciribtiro.

Amaanka Muqdisho ayaa bilihii lasoo dhaafay laga dareemayay isbadal weyn, waxaana magaalada si joogta ah uga howlgala ciidamada Sirdoonka Qaranka iyo kuwa booliiska sida milataruga u tababaran ,kuwaa har iyo habeen howlgalo amni xaqiijin ah wada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kawaanka Hilibka ee Wardhiigley oo lagu wareejinayo Ganacsato laga iibsaday ! (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxkamada ciidamada oo qabatay dacwad ka dhan ah Fahad Yaasiin & Xubno kale (Akhriso)

Caydiid Ali

Akhriso Casharadii Laga Bartay Doorashadii ka dhacday magaalada Dhuusomareeb

Cabdi Cade
Taboola Ads ---