Allbanaadir.com
NEWS

Melania Trump oo amartay in la jaro geed in ka badan 200-Sano kuyaalay Aqalka Cad (Daawo Sawirro)

Xaaska Madaxweynaha dalka Mareykanka Melania Trump ayaa amartay in la jaro geed weyn oo in ka badan 200- sano kuyaalay xarunta looga arimiyo dalka Mareykanka ee Aqalka Cad.

Geedkan ayaa taariikh aad u fog ku leh xarunta Aqalka cad , waxaana geedkan labo qarni kahor xarunta aqalka Cad ku dhax beeray Madaxweyne Andrew Jackson , oo ku xusayay xaaskiisa oo geeriyootay.

Geedkan hada laga jarayo aqalka cad ayaa hoostiisa lagu qabtay xaflado aad u tiro badan, waxaa sidoo kale geedkan ku sawirnaan jiray 20-ka Dollar intii u dhaxeysay sanadihii 1928 and 1988.

Khubaro ayaa sheegay in geedkan uu duqoobay uuna halis keeni karo hadii uu halkaasi kusii yaalo, waxa ayna khubarada soo dhaweeyeen in la jaro geedkan in ka badan labo qarni kuyaalay Aqalka cad.

Afhayeenka Aqalka Cad Stephanie Grisham ayaa sheegay in xaaska Trump amartay in la jaro geedka kuyaalay Aqalka cad, waxa uuna tilmaamay Manelia codsatay in miraha geedka la keediyo si dib dambo loogu beero.

Melania Trump ayaa sheegtay in ay go’aankaas u qaadatay in geedku uu halis u keeni karo dadka soo booqda Aqalka Cad iyo waaxda warfaafinta oo badanaa shirarar jaraa’id ku qabta geedka hortiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

War Saxaafadeed laga soo Xafiiska Madaxweyne Farmaajo (Akhriso)

Cabdi Cade

Jubbaland oo si adag uga hadashay Masuulkii u gefay R/W Rooble iyo Hooyada Ikraan Tahliil

Cabdi Cade

War uu Cumar Finish kasoo saaray Dilkii Gudoomiyaha Hodan oo si weyn loo dhaliilay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---