Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Daawo Sawirada: Xildhibaan C/laahi Gaafow oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Xildhibaan Cabdulaahi Gaafow Maxamuud oo shalay magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta Maamulka Galmudug lagu soo doortay  .

Masuuliyiin iyo dadweyne badan ayaa Xildhibaanka uga hortagay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana dadkii soo dhaweenayay si weyn ugu faraxsanaayeen guusha uu ka gaaray doorashadii shalay ka dhacday Dhuuso Mareeb.

Xildhibaan C/Laahi Gaafow Maxamuud oo la hadlay dadkii soo dhaweeyay ayaa aad uga mahad celiyay sida dareenka farxadeed ku jiro ay usoo dhaweeyeen, waxa uuna Xildhibaanka balan qaaday in uu noqon doono Xildhibaan dalka iyo dadka si hagar la’aan ah ugu shaqeeya.

Qaar kamid ah Masuuliyiintii iyo dadkii kale ee soo dhaweeyay Xildhibaanka ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in Generaal Gaafow kamid noqdo Baarlamaanka Soomaaliya, waxa ayna sheegeen in uu rajo weyn ka qabaan in Xildhibaanka kasoo baxo waajibka qaran ee la saaray.

Taliyihii hore ee Hay’ada Nabad Sugida Soomaaliya Generaal Cabdulaahi Gaafow ayaa shalay doorasho ka dhacday magaalada Dhuuso Mareeb loogu doortay in Beeshiisa ku matalo Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Michael Nithavrianakis iyo wafdi la socday oo gaaray Baydhabo lana kulmay Laftagareen (Sawirro)

Cabdi Cade

Nin ka tirsan Al-shabaab oo labadiis waalid ku dilay qarax ismiiidaamin ah

Caydiid Ali

Ciidan ka tirsan ilaalada Villa Somalia oo lagu tababaray dal ka tirsan Yurub (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---