Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo baaq u diray DF iyo maamul goboleedyada kaddib doorashadii Puntland ka dhacday

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qoraal uu soo saaray ku boggaadiyay doorashooyinka golaha deegaanka ee ka qabsoomay degmooyin badan oo katirsan maamulka Puntland.

Siciid Deni ayaa sheegay in doorashada ka dhacday Puntland tusaale cad iyo suurto gal u tahay in doorashooyin qof iyo cod ah ka dhacaan gayiga Soomaaliya,waxa uuna ku dhiirogeliyay dowladda federaalka iyo maamulida in ay qabtaan doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweynaha Puntland ayaa u mahad-celiyay qof kasta oo gacan ka geesatay qabsoomida doorashada qof iyo cod ee lagu dooranayay golayaasha deegaanka, waxa uuna ugu baaqay shacabka Puntland in ay ka shaqeeyaan hir-gelinta dimuquraadiyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxtooyada Puntland oo soo bandhigtay Adeega danabeysan ee (E-Cabinet) (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne sheegay in uu Qalbiga ka ooyo marka Soomaaliya qaraxyo iyo dilal ka dhacaan

Cabdi Cade

Madaxtooyada Somalia oo cadaadis xooggan ku heysa Taliye Odowaa Yusuf Raage

Caydiid Ali
Taboola Ads ---