Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somaliland oo maanta Muqdisho usoo Musaafurisay C/Qani Yaasiin Maxamed

Maamulka Somaliland ayaa xabsi kuyaala magaalada Hargeysa waxa ay kasii deysay xoghayihii Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Cabdiqani Yaasiin Maxamed oo mudo ka badan labo isbuuc u xirnaa maamulka Somaliland.

Xeer ilaaliyaha guud ee Maamulka Somaliland ayaa xaqiijiyay in xabsiga laga sii daayay Xoghayihii Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya, waxa uuna xusay Xeer ilaaliyaha in Cabdiqani maanta  usoo musaafuriyeen magaalada Muqdisho.

Xafiiska Xeer ilaalinta Maamulka Somaliland ayaa sheegay in sababta loo xiray xoghayaha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha ay tahay in si dhuumaaleysi ah kusoo galay magaalada Hargeysa lagana war helay markii dambe.

Maamulka Somaliland ayaa horey deegaanadeeda uga mamnuucday dadka katirsan dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana deegaanada Somaliland horey loogu xiray dad ka tagay Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Weerarkii Muqdisho iyo rag hubeesan oo galay Dhismo ku…

Cabdi Cade

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyada qarax lagu dilay Ciidamo Itoobiyaan

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo saacadaha soo socda u ambabaxaya safar dibeda ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---