Allbanaadir.com
NEWSXULKA

Beesha Dir oo Saluugsan Magacaabista Wasiirada iyo Taliyaasha Maamulka Soomaalida Itoobiya

Odayaasha Beesha Dir ayaa waxay Shir Jaraa’id ku qabteen Magaalada Dirirdhabe waxay ka hadleen Xaaladda Deegaanada Soomaalida ee Itoobiya iyo sida ay haatan wax u socdaan waxayna Beesha oo ay u dhan yihiin, Waxgaradkooda , Cuqaashooda, Culimadooda , Siyaasiyiintooda  iyo Dhalinyaradooda sheegeen in ay si aad ah uga soo horjeedaan Dhismaha Magacxaabista Xilalaka ee laga wado Deegaanka kaasoo Baal Marsan dardaarankii Raiisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed

“Raiisul Wasaaraha wuxuu nalagu dardaarmey Haddii aan nahay  dadka Deegaanka in aad Dhistaan Maamul Cadaalad ah si looga baxo Cadaaladaradii hore u qabsatey Deegaankaan sidaa darteed  waxaana Dhawaan la magacaabey Hay’adihii Amniga iyo intaba hal Beel sidoo kale waxaan Cadaalodaro ka tirsaneynaa qaabkii loo magacaabey Golaha wasiirada marka  maha mid aan qaadaneyno ama aqbaleyno“ ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedkaas   waxaa intaa lagu darey

“Waxaan ugu baaqeynaa Gudoomiyaha Xisbiga Axmed Shiddo iyo ku simaha Madaxweyna Mudane Mustaf in ay joojiyaan Dhismaha  afduubka ah maadaama wax la kala tabanayo sidaa darteed waa in la joojiyaa Magacaabista Xilalka  inta la isaga imaanayo “ waxay ugu baaqeen Beelaha Dirirta u dhaxeysa ee Oromada iyo Somaalida  in ay joojiyaan Dagaalka waayo waxaa isku direy Taliskii hore ee Deegaankaan Xukumayey.

Waxaa lagu sheegey Warsaxaafadeedkaa in Beesha Dir ay tahay Beelaha ugu Degaan Balaaran  Deegaankaan marka in weli la is barbardhigo Hal qabiil iyo Qaran sidaa Darteed Beesha Dir waa Qaran mar waliba waxaan ka soo horjeedaa in Cadaalodaro wax lagu qaybiyo oo la raaco wixii hore noo soo Daashadey ee Dulmiga ku dhisnaa  ee Dib u dhigey Horumarkii Deegaankaan  waxay ku soo gabagabeeyeen Warsaxaafadoodkooda “Waxaa Fiican in la kala Xishoodo, waxaana u sheegeynaa Beelaha Tigreega uu watey in Deegaankaan uu Daashadey Cadaaladdaro sidaa Darteed hadii ay sii socdaan Cadaalodaradaas in Beesha Dir ay Deegaankeeda u Tashan doonto oo Gooni u istaagi doonto”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

Related posts

Wiil Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Sheffield iyo Booliiska oo baaritaano wada

Cabdi Cade

Madaxda dowlad goboleedyada oo isku fahmi waayey War murtiyeed laga soo saari lahaa Mooshinka Jawaari

Caydiid Ali

Maxkamada Hargeysa oo mar kale xukun xabsi ah ku riday Boqor Buurmadow

Cabdi Cade
Taboola Ads ---