Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Saldhiga Booliska Magaalada Garoowe oo la weeraray & faahfaahino ka soo baxaya

Ciidamo hubeysan ayaa la soo sheegayaa iney goor dhow weerar ku qaadeen taliska qeybta Booliska gobolka Nugaal ee Magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada weerarka ku qaaday saldhiga ay wateen hub iyo Gaadiid dagaal, isla markaana ay dhaawaceen ciidamo ka tirsan Booliska oo ku sugnaa saldhigaas.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Farawayne  ayaa sheegay in weerarkan ay soo qaadeen in ka badan 30 askari oo isugu jiray askar iyo saraakiil ka gadooday shaqo joojin lagu sameeyay.

Shaqo joojinta ayuu sheegay Faraweyne iney timid ka dib markii lagu eedeeyey inay ka soo bixi waayeen waajibaadkii ciidanimo ee loo xilsaaray.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland oo ka mid ahaa ciidamadii joogay saldhiga la weeraray ayaa la xaqiijiyey inuu ku dhaawacmay weerarkan.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal ayaa sheegay in raggan weerarka soo qaaday la soo taagi doono Maxkamada ciidamada qalabka sida, isagoo Hay’adaha amniga ku amray in la soo qabto dhamaantood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dil ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Al Shabaab oo war kasoo saartay

Cabdi Cade

Muxuu RW ku-xigeenka ku soo arkay Hay’adda Socdaalka? (Sawirro)

Caydiid Ali

Muxuu Gudoomiye Gacal kala hadlay Guddiga doorashooyinka Galmudug? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---