Doorashada qof iyo cod ee lagu soo dooranayo golaha deegaannada Puntland ayaa saakay ka bilaabatay degmooyin iyo deegaanno badan oo katirsan gobolada uu ka arrimiyo maamulka Puntland.
Dadka reer Puntland ayaa saakay safaf dhaadheer u galay sidii codkooda uga dhiiban lahaayeen doorashada golayaasha deegaanka ay ku tartamayaan in ka badan 3-kun oo musharax oo xisbiyo kala duwan kala matalaya.
Doorashada saakay ka socota deegaannada maamulka Puntland ayaa ah mid taariikhi ah oo lawada sugayay, waxaana doorashadan olole xooggan u galay sidii guul uga gaari lahaayeen xisbiga uu madaxweyne Deni hoggaamiyo ee Kaah.
Guddiga doorashada Puntland ayaa sababo amni darteed dib u dhigay doorashadii ka dhici laheyd saakay degmooyinka Garowe, Dangarayo iyo Godob-jiraan, kuwaas oo hoos yimaada gobolka Nugaal.
Doorashada saakay ka bilaabatay deegaannada Puntland waxaa si weyn uga soo horjeeda qaar kamid ah siyaasiyiinta Puntland, waxaa sidoo kale doorashadan ku qanacsaneyn dowladda federaalka Soomaaliya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com